Madaxwaynaha Waxaan Ku Idhi Fedaraal Noo Soo Qaad” Suldaan. M. Cabdiqaadir

“Haddii Shirka Turkiga Toos La Isku Soo Hor-Fadhiisto Yididiilaa Muuqata, Madaxwaynaha Waxaan Ku Idhi Fedaraal Noo Soo Qaad”
Suldaan. M. Cabdiqaadir
suldaan
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa soo dhaweeyay wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya toddobaadka dambe uga furmaya dalka Turkiga.
Suldaan Maxamed, waxa uu sheegay in wada-hadaladani ay ididiilo u yihiin in Somaliland 53 sanadood ka dib ay xaqeeda ka hesho Koonfur, isaga oo tilmaamay inuu taageersan yahay shirkaasi. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo Wareysi gaar ah siiyay shabakada wararka ee Ramaas, ayaa sidoo kale sheegay inuu Madaxwayne Siilaanyo kula taliyey in Somaliland ku biirto nidaamka Fedaraalka Somaliya, taasi oo uu xusay inaanu belo ku ogeyn.
Suldaanka guud ee Somaliland oo ugu horeyn ka hadlaya aragtidiisa shirkaasi ayaa yidhi “Shirkaasi wuu fiican yahay oo Koonfur ayaynu wax ka goosanaynaa, welina maynaan hor fadhiisan oo maynaan odhan dawladnimadayadii waanu idinkala noqonay, qofkii wax idinka dhexeeyana inaan waxaagii ka soo ceshataa waa wax waajib ah, laakiin waanu goosanay, cidii aanu ka goosanayna la hadli mayno (waa khalad) markaa inaynu la xisaabtano ayaa loo baahan yahay, waanan taageersanahay wada-hadal toos ah in lala yeesho”. Suldaan Maxamed, oo la waydiiyay in shirkaasi ka soo bixi karaan qodobo gooni isku taaga Somaliland ku waari doono ayaa ku jawaabay “Maanta goosashadeenu waxay ku fiican tahay Fedaraal aad adigu shuruudaha qorato, 53 sanadood ayay ina haysteen, laakiin maanta adiga ayay jaaniskaagii tahay, Fedaraalka Koonfuri ku cararayso anigu belo kuma ogi, waxaan leeyahay waa inaan Madaxwaynaha yeeshaa, safaaraduhu Hargeysa yimaadaan, Xamarna waa inay xarunta ganacsiga noqotaa, oo aad raysal-wasaaraha yeelataa, markaa waa inaad adigu shuruudaha qorataa” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya soo jeedin uu Madaxwaynaha u gudbiyey oo ahayd in Somaliland fedaraal qaadato “Madawaynaha socdaalkiisii u dambeeyayna waxaan ku idhi Fedaraal noo soo qaad, shirkana waxa ka soo bixi doona waxa aynu inagu meesha la tagno, midnimada Somaliyana ma khusayo Turkiga, Ingiriiska iyo cid kale” Suldaanka guud, oo la waydiiyay in wada-hadaladan cusub ay xukuumaddu kala tashatay hogaanka umadda ee Madax-dhaqameedku ka mid yahay ayaa ku jawaabay “Arintan hore ayaan waan waan looga waday, oo waad ogayd shirkii London dadku way taageereen, laakiin haddii shirka Turkiga toos la isku soo hor-fadhiisto 53 sanadood oo ka lumay Somaliland-baa ididiilo fiicani ka muuqataa” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo fariin u diraya shacabka “shacabka waxaan leeyahay siyaasada marfashyada dhagaha ka furaysta, meeshana siyaasad caalami ah ayaa lagu shaqeynayaaye, taa caalamiga ah aynu dhageysano oo aynu raacno, siyaasaduna maaha cilmi adhi jirta, islaamaha iyo maqaaxiyaha lagaga sheekaysto, waa cilmi dhan oo jaamacado iyo kuliyado dhami u dhisan yihiin, markaa dadku yaanay isku khaldin taladii geedka iyo marfashyada aynu kaga sheekaysanaynay iyo siyaasada caalamku ku dhaqmaan”

Cabdikhaalid Diiriye Cawad

Salaanmedia/Burco