Suxufiyiin tababar uga socday Garoonka Aadan Cadde Airport oo si khaldan hilib Doofaar ama (Qaansiir) loo siiyey.

                                                      

Magaalada caasimada ee Muqdisho   ayaa waxaa tababar loogu soo xidhay maalintii shalay   25 suxufi oo ka kala socda 25 xarumo warbaahineed   oo isugu jira Telefishino, idaacado, wargeyso iyo websiteyada.

                     

Tababarkaan ayaa waxaa qabashadiisa iska kaashaday   ururka Qaran ee suxufiyiinta Somaaliyeed NUSOJ iyo hay’adda AU/UN Information Support Team (IST) oo dhinaca warbaahinta ka caawisa Qaramada Midoobay  iyo sido kale Midowga Afrika.

                           

Tababarka oo soconayey muddo afar maalmood ah ayaa  ka dhacay hoolka shirarka ee garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airport waxaana lagu  baranayey habka baadhista ee saxaafadda.

                     

Tababarkan ayaa waxaa bixinayay macalimiin aqoon durugsan  u leh mihnada saxaafadda oo isugu jira Soo ajnabi, waxaana ka mida qubaradaasi tifaftirihii hore   ee laanta af-Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar                             Axmed iyo Andrew Hill oo ah weriye horey uga soo shaqeeyay    wakaaladda wararka dalka Ingriiska ee Reuters.

 Hadaba xad gudub aad xun ayaa loo geystay suxufiyiintii  ka qeyb galeysay tababarkaasi maalintii ugu dambeysay                  ee gebagebada aheyd ka dib markii raashiin ahaan loogu   keenay hilibka doofaarka sida ay sheegeen qaar ka                             mid ah suxufiyiintii ka qeyb galeysay tababaarkaas.

Mid ka mid ah suxufiyiintaas ayaa u sheegay dayniile.com  in markii loo keenay hilibkaas ay si weyn uga shakiyeen,  shakigaasna uu cadaaday markii kooxdoo raashiinka  u qeybinaeysay oo tirsan shirkadda SKA ee garoonka                             gacanta ku heysa ay sheegeen in waxa loo keenay uu  yahay hilib doonfaar arintaasoo uu sheegay iney aad  uga caroodeen dhamaan suxufiyiintii ka qeyb galeysay  tababarkaas. 

 “Yuusuf Garaad oo aan cunin hilibkaas shaki awgiis   ayaa mar dambe nagu wargeliyey in waxa na hor yaala                             uu yahay hilib qaansiir, lagana digtoonaado, waan  argagaxnay ka dib shaqaalihii shirkada SKA ee raashiinka   noo keenay ayaanu weydiinay arintaas, wayna noo xaqiijiyeen,  iyagoo sababta ay noogu keeneen markaan weydiinayna                             noogu jawaabay sidaa ayaa nalagu amray” ayuu  ntaa ku daray weriyahaas ka gaabsaday magaciisa oo  sii hadlayey.

 Weriyeyaal kale oo markii hore cunay qaar ka mid ah  hilib qaansiirkaas iyagoo aan ka warqabin ayaa markii  ay ogaadeen bilaabay iney is matajiyaan, waxaana la  sheegay in goobta uu ka dhacay muran iyo isqabqabsi   badan oo ku sigtay gacan ka hadal kaasoo dhexmaray   suxufiyiinta lagu siray hilibka qaansiirka iyo shaqaalaha  u keenay ee ka tirsan shirkadda SKA ee maamusha howlaha  garoonka Aadan cadde.

 Hilibka qaansiirka ayaa diinta islaamku waxay ka mamnuucday  iney cunaan dadka muslimiinta ah, waxaana dastuurka  ku xusan qodob sheegaya in ficil kasta oo khilaafsan   shareecada Islaamka aan gudaha dalka lagu sameyn Karin, waxaana iyadoo ay taasi jirto wax la iska weydiinayaa sida ay ku dhacday in garoonka Muqdisho lagu isticmaalo   hilib qaansiir tiiyoo ay wadanka ka jirto dowlad la sheego mid rasmi ah hase ahaatee ay muuqato ineysan                             wax badan kala socon waxa ka soo degaya garoonka Aadan  cadde.

Salaanmedia/Mogdisho