TACSI GEERIDA CISMAAN GACANLOW

Alle naxariistiisii Jano ha ugu Deeqee Waxaa Maanta Magaalada Burco ku Geeriyooday oo lagu aasay Marxuun Cismaan Maxamed C.kariin oo ku Magac dheeraa Cismaan Gacanlow,kana Mid ahaa Foolaadkii fanka Soomaalida,kaalin Mug lehna ka soo qaatay Horumarkii uu sameeyay Fanka Somaalidu .

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha madaxeynaha Jamhuurayadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u dirayaa, Bahda Fanka iyo Suugaanta guud ahaan meel ay jooganba isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid, ALLE ha u naxariistee MARXUUM, CISMAAN MAXAMED CABDIKARIIM (CISMAAN GACANLAW) oo ku geeriyooday Magaalada Burco Maanta 25/04/2013, laguna aasay.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha madaxweynuhu waxa uu tacsi taasi la mida u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay marxuumku.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu Marxuumka ku tilmaamay Abwaan weyn oo taariikh ku leh Fanka iyo suugaanta Soomaalida kana mid ahaa dadkii fara ku tiriska ahaa ee Salka u dhigay fanka iyo suugaanta.

Madaxwayne ku-xigeenku ahna ku simaha madaxweynaha JSL, waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahda Fanka iyo suugaanta, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Burco SDN.