TACSI…Abwaan C/laahi Xasan Dhoodaan oo Saaka ku Geeriyoodey Magaalada Herer ee Dalka Itoobiya

Abwaan C/laahi Xasan Dhoodaan oo Saaka ku Geeriyoodey Magaalada Herer ee Dalka Itoobiya

 

Jimce, Abriil 26, 2013 (SM)- Abwaan C/laahi Macalin Xasan ”Dhoodaan” oo kamid ahaa sugaanyahanada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa ku geeriyoodey magaalada Herer ee dalka Itoobiya. 

Warka ku aadan geerida abwaan Dhoodaan ayaa soo baxay gelinkii hore ee maanta, wuxuuna ku dhintay isbitaal ku yaalla Herer, oo maalmihii u danbeeyey xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayey.

Qaar kamid ah ehelada abwaanka ayaa sheegay in bilihii u danbeeyey uu la il-darnaa xanuun ka haleelay Sambbabada, iyadoo xiliyada qaarna ay ku adkeyd in uu si fudud u neefsado.

Abwaan Dhoodaan wuxuu caan ku ahaa Jacburka, oo ah jaad kamid ah suugaanta Soomaalida, waxaana la oran karaa in isagu uu ahaa ninkii sida rasmiga ah Jacburka usoo shaac bixiyey.

Abwaanka oo soo caan baxay todobaatamaadkii, wuxuu tiriyey suugaan tiro badan oo isugu jirta gabayo, heeso iyo geeraaro. Dhanka jilitaanka riwaayadahana aad ayuu ugu fiicnaa isagoo lagu xasuusto inuu ahaa nin aad u maad badan.

Qaar kamid ah abwaannada waaweyn ee Soomaaliya iyo dadka wax ka qora suugaanta iyo afka Soomaaliga ayaa mar sii horeysey dhoodaan u caleema saaray in uu yahay “ abwaanka Somaaliyeed ee qarniga”.

Tixdii ugu qosolka badneyd ee uu tiriyey ayaa waxaa ka mid ahayd:

Hadday dumarku lacag leeyihiin MABA gaboobaabaane 
Kol hadday qubays iyo wajiga bootar ku caddayso 
Lixdankii siddeed baan jireey kugu tiraahdaaye HEEDHE

Jacaylkana anaa kala bartayoo wuu I daashadaye 
Gabdhahaan ay ka daba boodayaan lacag ma haystaane 
Habar kun iyo boqol haysataa la oggolaadaaye

Soow hadda maad garan

Sheekeeyooinkeedaana waa laga dhegeystaaye 
Hadday tiraahdo shan baan diiday waa laga dhegeystaaye 
Hadday tiraahdo cirkaan taabtay waa laga dhegeystaaye 
Hadday tiraahdo baddaan jiiray waa laga dhegeystaaye
Hadday tiraahdo anaa kaa yar waa laga dhegeystaaye
Gaarinimo kolkay sheegatee muranka dayn weydo 
Waxaa lagu yiraahdaa bullooy shaah inoo kariye
Qaxwahay samaysaa hadduu muufo noqon waayo
Kolkaa been inay sheegtay baa lagu ogaadaaye 
Soow hadda maad garan 
Ayaa lagu ogaadaaye

C/laahi Macallin Xasan “Dhoodaan”, oo sanadihii u danbeeyey ku noolaa magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, wuxuu ku dhashay degmada Doollo sanadkii 1941.

Dhammaan bahda Hiiraan Online waxay tacsi u dirayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Abwaan C/laahi Macallin Xasan “DHOODAAN”

Xigasho Hiiraan online