Taliyihii Hore Ee Ciidanka Qaranka Oo Ka Hadlay Taariikhdii Marxuum Dhan-Cade

Taliyihii Hore Ee Ciidanka Qaranka Oo Ka Hadlay Taariikhdii Marxuum Dhan-Cade

April 4th, 2013

Hargeysa (SM)- Taliyihii hore ee ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani ayaa waxa uu ka hadlay shaqsiyadii Alle ha naxariistee marxuum Maxamed Aadan Dhan-Cade oo ahaa Taliyihii aaga bari ee ciidanka qaranka oo Arbacadii lagu aasay magaalada Hargeysa, waxaanuu ku tilmaamay in uu marxuumku ka mid ahaa saraakiishii ciidanka qaranka raggii ee ugu hawl karsanaa.

Sidoo kale Nuux Taani waxa uu ka hadlay kaalintii uu marxuumku ka soo qaatay dhismaha ciidanka qaranka ee aaga barri. Taliyihii hore waxa uu tacsi u diray qaraabadii uu ka baxay ciidanka qaranka iyo shacbiga Somaliland.
Nuux Ismaaciil Taani waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay la hadlayay qaar ka mida warbaahinta.

“Naxariistii jano Alle ha ka waraabiyo Maxamed Cabdi Aadan oo loo yaqaanay Dhan-cade mudooyin badan ayaan wada shaqaynay, sannadkii 1975-kii waxaanu wada joognay Kismaayo, isagoo markaa madaxa siyaasada ahaa, aniguna madaxa saadka aan ahaa. Maxamed Cabdi Aadan waxa uu ahaa nin dabeecad wanaagsan oo dadku wada jecel yahay oo cod kara oo aqoon fiicana leh,”ayuu Yidhi Gen. Nuux Taani.

Nuux Taani isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “1981-kii waxaan ku soo maray Gaalkacayo isagoo taliye gaas ah markii dagaaladu ka socdeen gobolada dhexe ka dib markii la xidhay waxaan iskugu nimi halkan, markaan ciidanka joogay intaan wada shaqaynaynay ee uu taliyaha aaga bari ahaa, waxa uu ahaa ciidanka bariga ninkii dhisay maanta siduu yahay wax wayn ka qabtay, waxa uu marxuumku ahaa nin waayo arag oo ragii ugu heerka sareeyay ciidamada oo aqoon leh oo aftahan ah oo dulqaad badan, xishmad badana ku leh saraakiisha dhexdooda .”

Salaanmedia/Hargaysa