Turkiga oo sheegay in wadahalka Somalia iyo Somaliland ay soo celin doonaan midnimadii Somaliweyn

Turkiga oo sheegay in wadahalka Somalia iyo Somaliland ay soo celin doonaan midnimadii Somaliweyn

Siilaanyo_Xasan_Sheikh

Ra’isul wasaaraha Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa ka hadlay markii ugu horeysay wadahadaladii magaalada Ankara ku yeesheen Madaxda dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo rajo ka muujiyey inay dib u soo noqoto midnimadii gobolada waqooyi iyo koofurta Soomaaliya.Wuxuu intaasi ku daray in Madaxda Soomaaliya iyo Somaliland kulamadii hordhaca ahaa ay ku gaareen heshiis wadada u xaaraya in la sii wado wadahadalada, iyadoo la iska kaashanaayo dhinacyada amaanka, la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada iyo burcad badeeda.

“Waxay markale ku kulmayaan muddo 90-maalmood gudahood magaalada Istanbul” sidaasi waxaa yiri Ra’isul wasaare Rajab Dayib Erdogan oo si taxadir leh ugu hadlay wadahadalada dhinacyada Soomaalida, wuxuuna intaasi ku daray inay mideynayaan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland isagoo rajo ka muujiyey inuu miro dhal noqon doono wadahalka.

Shirkii todobaadkii hore ka dhacay dalka Turkiga ayaa qorshahiisa ahaa in si toos ah looga hadlo arrimaha siyaasadeed, hase ahaatee dhinacyadii ka qeybgalay ayaa isla meel dhigay in dib loo dhigo arrimaha siyaasadda gaar ahaan dhinaca qadiyadda, waxaana warmurtiyeedkii laga soo saaray lagu koobay iskaashi dhinacyadaasi dhexmara kadib in la guda geli doono wixii siyaasadda khuseeya mudda 90 cisho ka dib.

Dowladda Turkiga iyo Imaaraadka carabta ayaa dedaalo badan ku bixinaya sidii la isugu soo dhoweyn lahaa eowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo doonaya inuu ka madax bannaanaado Soomaaliya inteeda kale, inkastoo ay dowladaha caalamkuna ku dedaalayaan sidii ay u mideyn lahaa dhinacyada Soomaaliya.

Salaanmedia/Mogdisho