Wafti ka socday soomaliland oo ka soo qayb-galay aaskii-Qaran ee Marxuun Qaryaan C/laahi Macalin Dhoodaan oo maanta kulan saacada badan qaatay la yeesheen madaxwaynah DDSI.

Wafti ka socday soomaliland oo ka soo qayb-galay aaskii-Qaran ee Marxuun Qaryaan C/laahi Macalin Dhoodaan oo maanta kulan saacada badan qaatay la yeesheen madaxwaynah DDSI.

Jigjiga(SM) Isniin April 29,2013.Waxaa Saaka uu Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu Xafiiskiisa ku Qaabilay Waftiga ka socday soomaliland ee ka soo qayb galay Aaskii Qaran ee allah ha u naxariistee marxuun Qaryaan Abwaan C/laahi Macalin Dhoodaan oo iskugu jiray wasiiro, abwaano caan ka ah guud ahaan gayiga soomaalida iyo waliba ganacsato,Madaxweynaha ayaa Dhanka Xukuumada uu ku wehelinayay Shirkan wasiirka Beeraha DDSI Mudane C/risaaq cali baashe.

Wariyaha Cakaara oo markii shirku dhamaaday kadib mar uu saxaafada Deegaanka la hadlayay madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar oo sheegay in uu wafigani socdaalka dheer u soo maray in ay ka qaybgalaan aaskii qaran ee marxuun qaraan c/laahi macalin dhoodaan kaasi oo ahaa Aas-qaran kana geeriyooday Qaryaanku guud ahaanba umada afka soomaaliga ku hadasha madaxwaynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray in maadaama oo ay ladaba wadan ka dhexeeyaan xidhiidh wanaagsani ay lagama maarman noqotay in ay ka wada hadlaan sii xoojinta xidhiidhada wanaagsan iyo ganacsiga ka dhexeeya labada wadan.

Waftigan ka socday soomaaliland ayaa waxaa ka mid ahaa dhinaca wasiirada wasiirka wasaarada hawlaha-guud iyo guryaynta Somaliland mudane ahmed cabdi xaabsade, wasiirka wasaarada warfaafinta mudane abiib diiriye, wasiirka wasaarada dib u dajinta mudane saleebaan xaglo toosiye, wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta mudane c/laahi cukuse. sidoo kale Waftigan Somali-land ee saaka la kulmay madaxwaynahayaa ka soo qaybgalay aaskii qaran ee allah ha u naxariistee qaryaan c/laahi macalin dhoodaan ayaa ay ka mid ahaayeen abwaano magac-wayn ku leh guud ahaan gayiga soomaalida oo ay ka mid yihiin abwaan Maxamed ibraahin warsame HAdraawi,cabdi-qays , xassan ganay, yuusuf shaacir, hure walan wal,dacar,Boobe yuusuf ducaale iyo siyasiga Wayn ee Cismaan C/laahi Cigaal(Cismaan Hindi).

Dhanka kaleWaftigan ayaa markii ay shirka ka soo bexeen waxaa saxaafada la hadlay wasiirka warfaafinta soomaliland mudane abiib diiriyr oo sheegay in ay si qoto dheer uga wada hadleen madaxwaynaha sii xoojinta iyo dar dargalinta xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya labada wadan.

Ugu danbayntii ayaa ay Waftigani maanta duhurkii qado-sharaf loogu sameeyay Nogob-huteel iyagoona maanta galinkii danba ka anbabaxay magaalada jijiga iyaga oo ku laabtay Somaliland.

Salaanmedia/Hargasya