Wafti Qurbajoog ah oo Ay Hogaaminayeen Wasiiro oo Booqday Isbitaalka Dawlad Dagaameedka Soomaalida Ethiopia

Wafti Qurbajoog ah oo Ay Hogaaminayeen Wasiiro oo Booqday Isbitaalka iyo Dugsiga Sare ee Magaalada Dh/buur Dhagaxii Ugu Horeeyayna Dhigay Dhismaha Dugsi Sare iyo Library.

Dh/buur(SM) talaado april 23,2013.Waxaa Booqasho ku tagay magaalada Dh/buur wafti Qurbajoog ah oo ka kala yimid Maraykanka,Yurub,Dubai iyo South Afrika oo ay Galbinayeen Qaar ka mida Wasiirada DDSI,waxayna wafti iyo masuuliyiinta DDSI oo uu horkacayo gudoomiyaha gobolka Jarar mudane c/Jamaal ka bilaabeen booqasho ay lu marayeen magaalada Dh/buur Qaybaha Adeegyada AasaasigaBulshada iyo Mashaariicaha Horumarineed,iyagoona ugu horayn Tegay Isbitaalka Magaalada dh/buur oo ay wakhtigaa ka socdeen Adeeg-bixinta ay Siiyaan Bukaanka kuwaasoo isugu jiray Baadhitaanka Dadka,Dhiiga,Bukaan-jiifka,Hooyada iyo Dhalaanka iyo Qaybta Qaliinka,iyadoona uu waftiga iyo masuuliyiintaba uu isbitaalka ku soo dhaweeyay maareeyaha cisbitaalka magaalada dh/buur mudane Badri Yuusuf Aaden.

Maareeyaha Isbitaalka Dh/buur ayaa waftiga u Gadhqaaday Dhanka qaybaha Adeegbixinta uu ka kooban yahay Isbitaalku iyadoona ay xiligaa ka socdeen Gudaha isbitaalka wacyigalin ay Xirfadlyaasha ka hawlgala isbitaalka u hayeen Hooyooyinka iyo Bulshada qaybaheeda kaleiyagoona ka wacyigalinayay ka digtoonaanta Cudurada faafa,Turufada Dhanka Dhaqanka sida Ilko-dacawo iwm,Xidhiidhka Rugaha Caafimaad iyo Nuujinta Naaska halkaasoo waftiguna ay Bulshada wacyigalinta Caaimaad loo hayay Kula hadleen.

Intaa ka dib ayaa la gudagalay Booqashada Qaybaha Hospitalka ee ay ka midka yihiin qaybta Baadhitaanka,Dhalaanka iyo Hooyada,Qaliinka,Farmasiga,Qaybta Daawada,Bukaanjiifka,MCHka,Qaybta Shaybaadhka,Raajitada iyo Qaybta Qaliinka.iyadoona ay halkaa ku kulmeen Gabadhii ugu Horaysay Dhanka Dumarka DDSI ee soo Qaadatay Doctorayt(Dr) Drs Ayaan Axmed oo ka hawlgasha Isbitaalka Magaalada Dh/buur iyo Gabadhii ugu Horaysay ee Afrika ee Diyaarad Kicisay Asli Xasan Nuur Cabaade.

Booqashadii isbitalka ka dib ayaa waftigu waxa uu booqday dugsiga sare ee magaalada dh/buur,waxayna socdaal indha indhayn ah ku mareen qaybaha uu iskuulku ka kooban yahay iyaga iyagoona wafigu qol qol u galay fasalada oo ay duruustu ka socotay,islamarkaana Fasal kasta oo ay galaanba ay Duuliye sare asli ku boorinaysay ardayda kuwa sidii loogu tala gala uga faa-iidaysta cilmigooda anfacana Dalkooda iyo Dakooda in ay noqdaan iskana khasaarinin fursada Dahabiga ah ee ay Ka dhaxleen Itoobiyada Cusub iyo Xukuumadooda oo ka jawaabtay Baahidii shacabka.

Sidoo kale waftigaasi ayaa isla shalay galinkii hore waxay shir balaadhan u qabteen bulshada ku dhaqan magaalada dh.buur shirkaasi oo ay ka soo qayb galeen gudoomiyaha gobolka jajar Mudane Jamaal,gudoomiyada degmada dh/buur Mudane Barcun,maayorka magaalada dh/buur Mudane Cabdi Xasan,Shaqaalaha dawlada iyo dhamaan qaybaha bulshada ay ka kooban tahay,shirkaasi oo ay ujeedadiisy ahayd sidii ay bulshada iyo qurba joogtaasi uga wada tashan lahaayeen dhinaca horumarka,sii xoojinta nabadgalyada,maamulka suuban,kor u qaadida bilicda magaalada dh/buur dhinacyada maalgashiga.

Shirkan ayaa uu furay gudoomiyaha gobolka Jarar mudane c/Jamaal oo aad ugu mahad celiyay qurba joogtay u dhatalay gobolka ee u socota sidii ay Gobolkooda uga qaybqaadan lahaayeen doorka kaga aadan Dhinacyada horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban ee ka Taabogalay Guud ahaan Deegaanka Gaar ahaan Dh/buur.

Sidoo kale waxaa inka halkaasi ka hadlay maareeyaha wakaalada qurbo jooga mudane cabdi baari macalin oo sheegay in dadaalkii dheeraa ee ay xukuumada ugu gashay ee ay safarada dhaadheer ugu martay dhamaanba qaaradaha aduunka ayna tahay tan maantu tahay midhaheedii.

ka dib ayaa Qaar ka mida wasiiradii ay Shacabka uga mahadceliyeen Baraaruga ay ku garab istaageen Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban,sidoo kalana tilmaameen in shacabka looga baahan yahay in ay ka wada madax banaanaadaan Aragtida N/diidka,garab istaagaana Ciidamada Liyuupolice oo ah kuwa maanta Sugay in Baaxada Horumarineed ee ka muuqata Dh/buur suurtogasho kuna soo hirtaan qurbajoogtii ka soo jeeday Gobolka jarar,lagama maarmaana tahay wixii hada ka danbeeya in gacmaha la iswada qabsado oo wadajir looga wada qaybqaato maalgashiga,Horumarka,n/gelyada iyo Maamulka suuban.

Dhanka Qurbajoogta oo ay ka hadleen Dr Dlaal,Asli xasan iyo xiis xaaji ayaa Shacabka Dh/buur ku booriyay in ay Dadaalka halkaa ka sii wadaan kuna garab istaagaan xukuumadooda in ay doorkooda ka qaataan horumarka,n/galyada iyo Maamulka Suuban,iyagoona Qurbajoogtu balan qaaday in ay wax wayn ka qaban doonaan Magaalada Dh/buur,islamarkaana la sameeyay sanduuqa Horumarinta Dh/buur oo ay dhamaanba Qurbajoogta ka soo jeeda Gobolka Jarar u dhan yihiin ayay yidhaahdeen.

Wafttigan qurbajoogta ah ayaa dhagaxii ugu horeeyay Dhigay dhismaha Dugsi sare 2aad oo ay yeelato magaalada Dh/buur maadaama ay ardayda wax k barataa aad u badan yihiin lana Dhagax Dhigay Xaafada 6aad ee Magaalada Dh/buur sidoo kalena wafiga ayaa balanqaaday Dhismaha Libarary laga dhisayo Dugsiga Hoose Dhexe ee ugaas maxamuud oo ku yaala xaafada 2aad iyo qalabayntiisaba halkaasoo ay dhagaxii dhigeen,iyadoona Dhagaxdhiga ay ka hadleen Duuliye sare asli iyo doolaal oo siqoto dheer uga warbixiyay ahmiyada dugisgaasi u leeyahayiyo waliba labrarygaasi,duuliye sare Asliayaa waxay carabka ku adkaysay in ayna intan oo kaliya ku koobnayn waxqabadka qurbajoogta ay hogaaminaysay laakiin ay tani tahay Bilow ayay tidhi.

Salaanmedia/Jig-Jiga