Wafti Qurbajoog Ah oo uu Hogaaminayay Maareeyaha Wakaalda Qurbajoogta DDSI oo Booqday Jaamacada Jigjiga.
Dr C/naasir ayaa Yidhi”jaamacadan waxaa laga aasaasay Magaalada Jigjiga sanadii 2007.T.I,xiligaasoo lagu bilaabay arday dhan 700,iyadoona ilaa iyo hadana ay ka qalin jabiyeen 4-dufcadood tirada ardayda ka qalin-jabiyayna ay dhantahay 5000,iyadoona ay wakhti xaadirkan jaamacada ku xaraysan yihiin Arday Dhan 7500 kuwaasoo ay ka mid yihiin Shaqaalaha dawlada ayuu yidhi.
Marwo Asli oo halkaasi ka hadashay ayaa aad ula dhacday sida diiran ee loogu soo dhaweeyay jaacamada jigjiga iyo waliba guud ahaan deegaankaba iyada oo aad ugu mahad naqday masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa sidii ay u soo dhaweeyay ayaa waxay si qoto dheer ugu bogtay warbixinta uu madaxwaynaha jaamacadu ka siiyay Heerka w2axbarashada Jaamacada,Fursadaha Waxbarasho ee Deegaanka ka jira iyo Sida Guud ahaanba DDSI ay Kor ugu soo kacday Waxbarashada Jaamacadaha iyo Kuliyadaha.
ka dib ayaa uu Dr C/naasir waftiga u gadhqaaday Fasalada wax lagu Barto,laamaha waxbarashada(Foculty),Shaybaadhada,Librariga,Jiifka,Dining Roomka iyo baaxada jaamacada iyo spaceka ay ka socdaan Dhismayaashu.
Salaanmedia/Hargaysa