War Deg Deg Ah Wariye Caan ah oo katirsanaa Radio Muqdisho oo lagu Dilay Magaalada Muqdisho

 
 

war-deg-deg-ah-160x87

Allaha u naxariistee waxaa galabta Kooxo Hubeesan aan heebtooda la garan Dileen Wariye Maxamed Ibraahin Raagenoon katirsanaa Raadiyaha Dowlada Radio Muqdisho iyo Tv-ga Qaranka .

Kooxo Hubeysan aan heebtooda la garan ayaa Degmada Dharkeenley gaar ahaan Xaafadaa Mac macaanka waxa ee ku toogteen Wariyahan xili uu kusugnaa ilinka gurigiisa sida ee ku warameen Goob joogayaal.

Wariyahan la dilay ayaa galabta kasoo rawaxay Shaqadiisa Wasaarada Warfaafinta waxa uuna kamid ahaa Wariyaasha ugu cad cad ee ka shaqeeya Warbaahinta Dowlada waxa uuna u qaabilsanaa Dhinaca Wararka Madaxtooyada gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha.

Wariyahan ayaa dhoor bil kahor dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho waxa uuna Markii hore Warbaahinta Dowlada Wakiil wareed uga Ahaa Magaalada Kampala ee Dalka Uganda.

Salaanmedia/Hargaysa