War Deg Deg ah:Nin hubeeysan oo Hotel ku yaala dalka Kenya dad ku laayay & Shabaab oo falkaas lagu eedeeyay.

War Deg Deg ah:Nin hubeeysan oo Hotel ku yaala dalka Kenya dad ku laayay & Shabaab oo falkaan lagu eedeeyay .  
Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Garissa ee dalka Kenya ayaa sheegaya in nin Bistoolad ku hubeeysan uu weerar gaadmo ah ku qaaday caawa Hotel halkaas ku yaala kaas oo isla goobtii ku toogtay 8-qof kuna dhaawacay 6-qof oo kale.Ninkaan ayaa markii uu weerarka fuliyay ka dib qudhiisa is toogtay waxaana sidaas warbaahinta (dpa) u sheegay Afhayeenka ciidamada Booliiska Mr.Charles Owino. Dawlada Kenya ayaa durbadiiba falkaan ku eedeeysay ururka Al Shabaab oo dhoor jeer gudaha dalka Kenya weeraro ka geeystay waliba ku hanjabay inay sii wadi doonaan weeraradaas .

Dadka lagu laayay Hoteelka la weeraray oo qaarkood dalxiisayaal lagu sheegay weli ma cada dalalka ay ka soo kala jeedaan balse waxaa weli socda baaritaano adag. 

Dhanka kale weerarka lagu qaaday Hotelkaan weli ma aysan sheegan kooxda Al Shabaab balse saacadaha soo socda ayaa la filayaa in la ogaado cida ka dambeeysay falkaan .

Salaanmedia/Kenya