Warbixin “Qaraxyada Ugu Badan Ee Muqdisho Ka Dhaca Oo Ay Gaystaan Dhalinyarada Qurbaha Ku Dhashay” Maxay Tahay Sababta”

alshabaab

Taariikhda : April 15, 2013 – Waxaa Qorey : Ayaanle Xasan Kaafi –

Inta badan magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca qaraxyo ay abaabulkooda leeyihiin kooxda All shabaab kuwaa oo cadeystay daadinta dhiiga shacabka soomaaliyeed, waxana ay inta badan qaraxyadaasi ku soo haligaan dhalinyaro aan diinta wax badan ka aqoon kuwaa oo ku soo bar baaray qurbaha.

Dhalinyarada qurbaha ku dhaqan ee xiriirka la leh maleeshiyada shabaab ayaa inta badan lagu soo xiro galiyaa fariimo dhinaca Email-ka ah iyagoo barnaamijyada gaarka ah ee kooxda al qaacida loogu fasirayo qaab diineed,isla markaana laga dhaadhicinayo in dalkooda uu gacanta ugu jiro wadamada reer galbeedka.

Wiilashan aadka u da’da yar ee ay marin habeebiyeen Al-qaacidada geeska africa ayaa inta badan la tilmaamaa in xaga diinta iyo raadinteeda ay uga dhaw yihiin kuwa ku dhaqan gudaha dalka, taa oo sahashay in dhalinyaradaasi si deg deg ah looga dhaadhicin karo danaha gaar ahaaneed ee ururka al shabaab.

Dhinaca kale waxaa jira qaar ka mid ah dhalinyaradaan oo uu cadaadis ka heysto dhinaca waalika kuwaa oo aan awoodin in ay soo galaan gudaha dalka soomaaliya,iyagoo kooxdan shabaab ka taageera xaga dhaqaalaha, waxeyna ku bixiyaan dagaalka kooxdan ay kula jirto ciidamada dowlada lacago malaayiin ah.

Mid ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan qurbaha oo muddo xiriir la lahaa ururka al shabaab, lacago badana u soo dhiibay intii uu kooxdaasi ka tirsanaa ayaan kala sheekeystay waxyaabihii uu kala kulmay mudadii uu kooxdaasi cilaaqaadka la lahaa iyo sababta keentay in uu ka baxo, waxana uu iigu jawaabay” Aniga waxaan ku dhashay dalka Germany Muddo 21 sano ahna waan ku noolahay, xaqiidii kooxdaasi markii ugu horeysay ee aan xiriir la sameeyo waxa ay ahayd sanadii 2009-kii waqtigaasina waxaan ku rajo weynaa in mar uun aan tago dalkeyga hooyo oo la iigu sheekeeyay in ay heystaan kooxo gaalo ah, iima suura galin in aan xiligaasi dalka ku laabto kadib cadaadis badan oo dhanka waalidka iiga imaaday intaasi kadib kooxdii igu dhiira galisay in aan soomaaliya tago ayaan wargaliyay, waxeyna iigu jawaabeen jihaadka hadii aad naftaada ku bixiso iyo hadii aad dhaqaalahaaga ku bixiso waa isku mid”.

Wiilkan oo aan la sheekeystay ayaa ii sheegay in kooxdaasi ay uga baxeen lacago uusan cadadeeda qiyaasi karin,isagoo ii sheegay in ay jiraan sababo waa weyn ee uu fahmi waayay kuwaa oo kaliftay in uu ka baxo kooxdaasi.

Wiilkan dhalinyarada ah oo diiday in magaciisa uu warbaahinta u isticaamlo ayaa ugu danbeyntii ii sheegay in hada wax badan uu diinta ka bartay isla markaana uu leeyahay machad lagu barto diinta islaamka, taa oo ahayd hamigiisii, ilaaheyna uu ka aqbalay.

Maqaalkan ayaa ku soo aadaya xili shalay weeraro iyo qaraxyo argagixiso ah lagu qaaday xarunta maxkamada gobolka banaadir isla markaana ragii weerarka soo qaaday u ku jiray wiil soomaali ah oo heysta dhalashada dalka Canada kaa oo Jaamacada ka dhiganayay dalkaasi.

Ugu Danbeyntii Waxaan dhalinyarada soomaaliyeed ee gudaha iyo qurbaha ku dhaqan u soo jeedinayaa in ay ka shaqeeyaan horumarka dalkooda, isla markaana ay ogaadaan in aan jano lagu galeynin xalaaleysiga dhiiga dadka muslimiinta ah.