Warsaxafadeed.. Ururka Somaliland United Forum
Qodobka 9aad ee Distuurka Qaranka wuxu dhigayaa in Nidaamka Siyasadeed ee Dalka Somaliland waxa saldhig u ah Nabad , Talo-wadaag, Dimuqradiyada iyo Hanaanka Xisbiyada badan.
Shacabka Maqaaxiyaha Fadhiya magaaloyinka Somaliland ,waa Codbixiyaashii Keenay ,soona doortay Xukuumada maanta talada dalka haysa, Xisbiyada iyo Golayaasha Qaranka, Horana 2001 ugu Codeeyeen Distuurkan Dalka iyo Aftidii Gooni Isu-taaga.
Tala-wadaag iyo Dimuqradiyada ku xusan qodobka 9aad ee Distuurka, waxay Qeexaysa doorka iyo awooda Codbixiyaashu ku leeyihiin Nidaamka Siyasadeed ee Talada dalku ku dhisantahay.
Dawlada Jamuhiryada Somaliland ,Ha’ayadaha Distuuriga ah ee dalka Ka dhisan, sida Xukuumada, Golayaasha , iyo Xisbiyada Qaranka,Waxa iyagana saldhig u ah Rayiga iyo Rabitaanka Shacbiga Somaliland. Shacbiga Somaliland Rayigooda iyo Rabitaankood waa in La dhagaystaa , Rayigana la ururiyaa luguna dhaqmaa.
Shirka ka dhici doona dalka Turkiga kuna saabsan wada hadalada Somaliland iyo Somaaliyaa, Waxaanu xukuumada Somaliland u sheegaynaa in Shirkiisi ka so horjeedo Distuurka iyo Qaranimada Somaliland, siiba Qodobka 2aad ee ah Dalka Jamhuriyada Somaliland, oo Qeexaya Dhulka ay Somaliland ku fadhido iyo Xuduudaha ay Jamhuriyadu la ledahay dalalka jaarka ah ,sida Jabuuti , Etoobiya iyo Dhinaca bada Dalka Yamaneed.
Sababto ah:
- Somaaliya oo aan aqoonsaneyn Somaliland iyo Somaaliya oo ka so horjeeda gooni Isu –Taaga Somaliland, sida ku cad distuurka Somaaliya( Gobalada Waqooyiga Somaaliya)
- Somaaliya oo Sheeganaysa Xuduudaha Somaliland la ledahay dalalka jaarkeeda
Sida ku cad Distuurka Somaaliya.( Somaaliya Waxay xad la ledahay dalaka jabuuti, Koonfurta Etoobia iyo DhinacaWaqooyiga bada Dalka Yaman.)
Gaba Gabadii Waxaanu Xukuumada ugu baaqayna inay Jawaab cad ka siiyaan Shacbiga Somaliland sida Dawlada Turkiga ee Aaminsan midnimada Somaaliyaa, sida wasiir arima dibadeeda Turkigu cadeeyey ay ugu fududayn karto wada hadalada Somaliland iyo Somaaliya oo aan ahayn dib u heshisiin.
Waxanu kalo u baaqayna in xukuumadu shacbiga Somaliland Shurudaha iyo Ajanda shirka si cad ugu so bandhigaan ka hor inta aan shirka la tagin
Ugu dambayn waxan si adag Xukuumada ugu baaqayna in Masiirka iyo Aayahaa Qaranimada Somaliland dib ugu so celiyaan Shacabka Codbixiyaasha.
Guul iyo Gobanimo Somaliland
Allaa Wayn Ninkii Aamina Awood leh
Afhayeen : Ibrahim hussein