Wasiirka Boosaha Oo Ka Jawaabay Eedo siyaasiyiin beeshiisa ahi u jeediyeen

April 28th, 2013  

“Laba Nin oo Xil u Waashay ayaa I wanjalay oo Igu hafray waxaanan odhan”

Hargeysa (SM)- Wasiirka Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland Mudane Cali Cilmi Geelle ayaa sheegay inay ka been abuureen isla markaana ay mixnadeeyeen  hadal uu ku baahiyay Telefishanka Horn-cable TV Wasiirkii hore ee Ciyaaraha Mudane Cabdi Siciid Faahiye iyo Xildhibaan Maxamuud Xirsi oo ka tirsan Golaha Guurtidda.

Wasiirka Boosuhu waxa uu  sheegay in labadaas oday oo  ka soo jeeda beeshiisu ay dusha ka saareen arrin aanu ka hadlin oo la xidhiidhay shaqaaqadii Xariirad ka dhacday dhawaan ee sababtay  dhimashada hal qof isla markaana xiisad ka abuurtay deegaankaasi isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Ninka Wasiirka ahaan jiray ee la yidhaahdo Cabdi Siciid Faahiye iyo ninka ee Xildhibaanka ah ee Maxamuud Xirsi  ee  xalay I hafrayay labaduba  waa dad aanu hadalkoodu wax ka soo qaad lahayn oo xil u waashay, waxaanse u sheegayaa dadkayga ama cida ay  arrintaasi khusaynaysay, anigu marna  kama aan  hadal  arrinta Xariirad, mana aan odhan odayaasha la xidhay way gar-daran yihiin waxaanay labadaas nin iga sameeyeen hadal been ah oo aanan odhan.”

Mudane Cali Cilmi Geelle oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “anigu waxa qudha ee aan ka hadlay waxay ahayd  ee ay inamada weriyeyaasha ah ee HCTV ka socday  I waydiiyeen waxa uu ahaa sidaad u aragtaa hawshii  Wasiir Duur, ka soo qabtay deegaamada galbeedka dalka,  waxaan ku idhi Duur waa Wasiir hawshii loo igmaday ee ay xukuumadu u igmatay qabsanaya, warkana anigu caawa (xalay)  ayuun baan Maqlay iyo dadkan doonaya inay bulshada iska kaaya horkeenaan ee beenta iga sheegaya. Markaa waxaan leeyahay kursi laguma helayo in dadka la iska horkeeno iyo in la hafro oo been laga sheego intab.”

“Waxa kale oo aan intaasi idiinku darayaa  Cabdi Siciid Faahiye iyo  odayga Sheekh Maxamuud waa kuwii berigii hore Duur  iska eedeeyay. Waxaanay imika ii wanjalayaan Wasiirkii aanu anagu eedaynay ayuu ceeb ka saliim ka dhigay oo dadkooda ayuu ka soo horjeedaa. Sidaasi darteed, labadan nin u soo jeedinayaa inay beenta iyo laqwiga iska daayaan oo aanay wax walba siyaasad ka dayin,” ayuu yidhi Cali Cilmi Geelle oo caawa u waramayay shabakadda Salaanmedia