Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Wasiirka Caafimaadka Oo Daboolka Ka qaaday in Cisbitaalka Gabiley lagu wareejinayo Hay’ad

Wasiirka Caafimaadka Oo Daboolka Ka qaaday in Cisbitaalka Gabiley lagu wareejinayo Hay’ad

April 22nd, 2013 Comments Off

Hargeysa(SM)-Wasiirka Caafimaadka Somaliland Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuseen Xoog), ayaa faahfaahin ka bixiyay adeegyada Caafimaad xarunaha caafimaadka ee dalka, Hay’ad Caalami oo lagu wareejinayo horumarinta adeegyada caafimaad ee Cisbitaalka Gabiley, Xanuunka Duumadda oo ka dilaacay deegaamo ka mid ah Goboladda Sanaag, Togdheer iyo Awdal, arimo kale oo ku saabsan siyaasada wasaaradiisa ee la xidhiidha kobcinta xarumaha Caafimaadka.

Wasiirka oo Waraysi Khaasa siiyay Wargeyska DAWAN iyo Mareegta wararka ee Gobanimonews, ayaa sidoo kale warbixiyay safar uu dhawaan ku tegay wadanka Norway oo uu kaga qayb galay shir qaadhaan loogu Uruurinayay Cisbitaal laga dhisayo Magaalada Hargeysa.

ugu horeyn Wasiir Xuseen Maxamed Maxamuud (Xoog) oo ka Jawaabayay su’aal laga waydiiyay heerka adeegyada ay bixiyaan xarumaha Caafimaadka ee Dawladu maamusho, waxa uu yidhi “Xaalada Adeega Caafimaadku way fiican tahay, wax dhimanina way jireen oo baahida Bina’aadamku ma dhamaato, laakiin horumar maalin kasta socdaa hadii uu jiro waa lagu guulaysan doonaa wixii dhiman”ayuu yidhi.

S; Wasiir Cisbitaalka Gabiley adeegyada uu bixiyo waxa jira Cabashooyin ka soo yeedhaysa, arintaasi maxaad kala socotaa?

J: Kal hore ayaa waxa Somaliland oo aanu ka codsanay inay cisbitaalka Gabilay naga daboolaan dabadeed way soo eegeen, dabadeedna waxay yidhaahdeen waxaanu rejaynaynaa in baarlamaankayagana ogolaado oo in Somaliland laga caawiyo dhinaca caafimaadka, waxaanan iclimanaynaa marka la soo ogolaado , runtii way yimaadeen, diyaarna waxay u yihiin inay cisbitaalka naga daboolaan,oo Gunnooyinka shaqaalaha iyo baahiyaha kale ee jirayba wax ka qabtaan.

S: Maxaad ku soo kordhiseen Cisbitaalka Hargeysa mudadii aad wasaaradda joogta dhinaca Dhismayaasha, si loo balaadhiyo?

J: Cisbitaalka Hargeysa, waxaa la ansixiyay lacagtii EU-du ugu deeqday oo ahayd milyan iyo badh, taasoo milyan ka mid ah la gelin doono dhismaha, inta kalena lagu hagaajin doono adeegyada kale, waxaana lacagtu lagu soo hagaajin doona Hay’ada UPS. Dhismaha cisbitaalka inta kale waxa la filayaa in laga dhamaystiri doono Sanduuqa mucaawinada Somaliland ee (SDF) oo ay ku deeqayso hay’ada Danida.

S: Qorshaha maydiinku jirtaa in dalka laga bilaabo Talaalkii Abitate B-g, hadiise ay taasi haa tahay, goormuu bilaamayaa?.

J: bisha 24-keeda waxaa loo balansan yahay xaflad balaadhan oo Madaxweyne ku xigeenku furayo, taasoo lagaga dhawaaqayo in Talaalkii Abitate B-gu dhamaan dalka ka bilaamayo oo dhamaan Xanaanooyinka la dhigayo , waxaan rajaynayaa in maadaama dadkeena 10% u hayo xanuuka ABITATE B-gu, in dhamaan faca soo socda ka faa’iidaysan doonaan talaalkaasi”.

S: dhawaan waxaad safarka ku tagtay wadanka Nor way faah-faahin ma naga siin kartaa ujeedada safarkaasi?

J: Waxaan u tegay wadanka Norway, qolo dhakhaatiir ah oo Talyaani ah , waxaanan kala qaybgalay shir lacag loogu ururinayo cisbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Dr. Maxamed Aadan sheikh oo ay dhakhaatiirta reer Torino inoo dhiseen, kaasoo qaybtii hore dhamaatay, dabadeedna shir lagu dhamaystirayo inta hadhay oo xataa dad reer somaliland ahi ka qayb qaadanayaan lagu qabtay halkaasi, markii dambena waxaan tegay magaalada Torino, waxaanan soo hambalyeeyay dhamaan dadkii ka qayb qaatay dhismaha Cisbitaalkaasi, waxaanan ku wargeliyay inaanu wali u baahanahay.

S: Wasiir waxa lagu jiraa Xiliyadii Roobka, inta badan waxa jira Xanuuno ka dhasha xiligan Roobka, sida Kaneecada iyo Shubanka, markaa ma jiraan cuduro dilaacay intii roobabku da’ayeen?.

J: Xanuunadda inta badan ka dhasha Roobka waxa ka mid ah Shubanka oo ah wax iska caadiya oo markasta xiligan oo kale dilaaca iyo Duumadda ama Kaneecadda, markaa iminka waxa jira deegaamo badan oo uu ka dilaacay xanuunka Duumaddu, waxaana ka mid ah Gobolka Awdal oo deegaano ka mid ah runtii dad badan cudurkaasi laga helay oo waliba dhinaca deegaamada Galbeedka ah ilaa Lowyo-Cado,dhanka Bariga Gobolka Sanaag Degmooyinbaa laga soo sheegay, gaar ahaan degmada Badhan ilaa Ceerigaab, Gobolka Togdheer laftiisa ayuu ku soo fiday oo Burco iyo deegaamo kale oo ka mid ah Gobolka Togdheer dadbuu ku soo ritay, waxaana hada halis ah inuu goboladda kalena sidan ugu sii fido, maadaama uu ka mid yahay xanuunada laysu gubiyo, hadaan la xakamayn”.

S: markaa ma jiraan wax talaabooyin ah oo aad qaadeen ilaa si looga hor-tago ama loo xakeemayo cudurkaasi?
J: runtii Olole balaadhan ayaa la doonayaa in la qaado oo lagaga hortegayo, waxaana maalmahan shir u socday Xafiiska wasaaradda ee Duumadda iyo Hay’ada WHO, kulankaasaa markaa wixii ka soo baxa lagu dhaqaaqayaa, waxaanan bulshada ku wargelinayaa in qofkii Xumad dareema uu tago goobaha caafimaad oo lagu diyaariyay dhamaan daawooyinkii ka hortaga iyo kuwa kale ee lagu daaweeyo iyo waliba qalabkii lagu baadhayay Duumada ”.

su’aal laga waydiiyay inay sameeyeen wacyi gelin ka hor xili roobaadka, waxa uu kaga jawaabay “ilaa hada wax talaabo ah lama qaadin, laakiinse wixii hada ka dambeeya waxaanu rajeynaynaa in dhakhso wax looga qaban doono, waxaanan ugu baaqayaa bulshadu inay ka feejignaadaan waxyaabaha kanneecadu inta badan ka dhalato oo ah meelaha biyo fadhiisinka ah ee guryaha u dhaw, waana inay isticmaalaan Maro-kaneecada, Shubanka laftiisa waa in laga digtoonaadaa oo Faraxalka lagu dedaalo mar kasta, Suuliga la daboolo, Baliyada Biyuhu fadhiistaan ee Guryaha hortooda layska aaso iyo qashinkana laga nadiifiyo biyo mareenada.

Ugu dambeyn Wasiirku waxa uu sheegay inay Magaalada Hargeysa ka socdaan Mashaariic kale oo lagu kordhinayo adeegyada Caafimaadka, gaar ahaan Cisbitaal Caruurta loogu talo-galay oo koox Masar u dhalatay dhisayaan “runtii dadkeenu waxay u qabsameen laba dabaqadood, qayb awoodi karaysa inay adeegyada Caafimaadka ee lacagta ah iska bixin kara iyo dabaqad hoose oo aan awoodeyn, markaa waxa kale oo jira Cisbitaal caruurta loogu talo-galay oo ay dhisayaan qolo Masaari ah oo adeegyo caafimaad oo bilaash bulshada u samayn doona, waana wax soo kordhay hadii dadku adeeg caafimaad ka helaan”ayuu yidhi.

XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN




Leave a Reply