Wasiirka macdanta iyo biyahu muu kuwan u kor dhiyo aqoontooda iyo xirfadooda

abdiweli
Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan saxaafada soomaalilaand ee xorta ah iyo dhamaan shacabka sharafta iyo qaaya leh ee reer soomaalilaand, salaan kadib ku soo dhawaada tixdan gaaban ee la magac baxday naakhuude.
waxaan doonayaa in aan halakan ku qoro waxoogaa tusaale iyo toosin ah, oo ku socda reer togdheer iyo wasiirada safka hore ugu jira sidii ay shaqaalaha isugu badeli lahaayeen, isku bedelkaas oo ah in ay kii shaqada hayay muda dheer ee garanaayay shaqadan iyo qaabka ay u socoto,inay ku bedelaan mid ay isku beel ka soo jeedaan.
Markaa hadaan wasiirada ku horeeyo wax fiican oo xaqa iyo cadaaladduna qeexayaan in qofka shaqada haya ee mudada shaqaynaayay lagu ilaaliyo aqoontiisa iyo xirfadiisa laxidhiidha shaqadana kor loogu qaado, laakiin majirto caalimka meel qofku asagoo bus waday toban sanadood mar qudha la yidhaa kaxee diyaarad ama trailer iyada oon la barin markaa waxa la idinka baahan yahay inaa la timaadaan caqli iyo cadaalad oo aydaan la iman qabyaalad bilaa caqliya.
Shaqaalahana waxaa leeyahay waxan waa la idinku dayayaaye ha yeelina oo idinka oo isku duuban diida oo meel uga soowada jeesta hadii kale idinkaa cirka roob ku og.
waxaan idinsiinayaa waxa fiican oo aa ku dayataan (guud example) waxaan joogaa ingiriiska waxaan u shaqeeyaa shirkad, waxaanaan u shaqaynayay mudo 12 sano ah, waxaana shirkadaa la igu dul iibsaday 3 jeer marqudhana shaqaalaha lama eryid ee shirkadaha ucusubi marwalba shaqaalihii hore ayuun bay daysanayeen iyaga oo hili karayay intay kuwii hore eryaan inay qaar cusub oo ka jaban qortaan, sababtuna waxa weeye laban xaalo oo keliya ta hore waa aqoonta shaqaalu u leeyay madaqada (the erea) iyo qalabka shirkada, talabaadna waxa weeye xuquuqda uu qofkan mudada shaqaynaayay ku leeyahay shirkada iyo damiirka oo u diidaaya madaxdaasu inay wax dulmaan.idinkuna waxa joogtaan dalkiinii aa u dhalateen waana ku dulmantii sida xoolaha ama si ka xun ayaa la idiinla dhaqmaa ee waa inaa toostaan xuquuqdiina u dagaalantaan sidii aa dalkiina ugu soo dagaalanteen.
waxaan kaga baxayaa wasiiroow qofka aad jeceshahay iyo kaad cenebtahayba waa muwaadaniin waana isku xuxuuq ee ogaw.
By Cabdiwelli Yalas.