Waxaa Shalay Si Heer Qaran ah loogu Aasay Magaalada Jigjiga Qaryaan C/lahi Macalin Dhoodaan(Geeri Arooskeed)

WaxaaShalayto Si Heer Qaran ah loogu Aasay Magaalada Jigjiga Qaryaan C/lahi Macalin Dhoodaan(Geeri Arooskeed)

Jigjiga(SMTacsi) Axad April 28,2013.Waxa Galabta Markii ay Goorsheegtu tilmaamaysay abaarihii 10kii ama 4tii Galabnimo si Heer Qaran ah loogu Aasay Xabaalaha Sheekh Cali Guure ee Magaalada Jigjiga Qaryaan abwaan C/laahi Macalin Dhoodaan oo aynan u kala hadhin Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar,wasiirka Arimaha Bulshada DFI Mudane C/fataax sheekh C/laahi,Odoyaal Dhaqameedka,Cuumaaudiinka,Shaqaalaha Dawlada,Golaha Wasiirada iyo Wufuudaad u Tiro badan oo ka kala Timid Dalalka deriska Djibouti,Kenya iyo Soomaaliya kuwaasoo isugu jiray wasiiro iyo Abwaaniin Caan ah oo ay ka mid ahaayeen Axmed Cali Idaajaa,Hadraawi,Hure walanwal,Yuusuf Shaacir,Dacar iyo,wariye Catooshe qaar kaloo badan.

Munaasabada Geeri arooskeed ee Aaska Qaran ee Qaryaan Abaan C/laahi maalin Axmed Dhoodaan Ayaa uu Hadal kooban oo isugu jiray Duco iyo Raad raaca Taariikhda Abwaan C/laahi Maalin dhoodaan uu ka soo jeediyay xabaasha Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo Sharax dheer ka bixiyay Qiimaha Balaadhan ee uu Deegaanka ugu fadhiyay Abwaanku slamarkaana Sheegay in Gudi si dhaqsa ah u soo daabacda raad-raaaca taariikhda Abwaanka la sameeyay Taasoo lagu dari doono Taaiikhda Abwaan Manhajka Deegaanka,sidoo kalan balan qaaday in la kafaala qaadi doono Nolosha iyo daryeelka Caruurtii uu ka tegay isagoona Madaxweynuhu Ilaahay uga baryay in uu Xaaji C/laahi macalin Dhoodaan naxariistii jano ka waraabiyo ehelkii,Qaraabadii iyo Caruurtii uu ka tegaya samir iyo iimaan ka siiyo aaamiin aamiin.

Wasiirka Federalka Ayaa isaguna dhankiisa ka hadlay islamarkaana marxuumka ilaahay uga baryay in ilaahay janadii ka Waraabio ehelkii,qoyskii iyo caruurtii u ka tegayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Abwaaniinta Ayaa iyaguna Baroordiiq ka soo jeediyay Aaska Qaran iyagoo ilaahay uga Baryay in uu Naxariisstii jano ka waraabiyo marxuumka Qoyskii,ehelkii iyo qaraabadiina Samir iyo iimaan ka siiyo. aamiin aamiin aamiin.

Culumaaudiinka ayaa Xabaasha ka soo jeediyay ducooyin Samirsiin iyo kalimatu laah kuwaasoo dhamaanba Muslimiinta isugu timid Geerida Arooskeeda aas Qaran ee Qaryaan C/laahi Macalin Dhoodaan ku wacyiday.

Aaska Qaran ayaa ay Maamuuskeeda Sharafeed ay Salaan Sharaf kubixiyeen Booliska DDSI oo halkaa iyagu ahaa kuwa soo galbinayay MaydkaMarxuumka.