Xaalada Caafimaad Ee Magalada Ceerigaabo oo Gaadhay Halkii Ugu Hoosaysay Sababtu Maxay Tahay

April 5, 2013

Ceerigaabo-(SM)- Gobolka Sanaag oo ka fog gobolada kale ee Somlailand isla markaana ay waqtigan ka da´ayaan roobab xoog badan oo hakiyay isu socodka gaadiidka ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili ay xaalada caafimad ee gobolku ka sii darayso maalinba malaanta ka danbaysa.

Waxa mudooyinkanbe socotay cabasho ka soo yeedhaysa cusbataalka guud ee magaalada Ceergaabo ,cusbataalka ayaa bixiya adeeg caafimaad oo kala duwan sida daawaynta xanuunada guud ahaan iyo qaybta qaliinka.
Cusbataalka ayaa waxa ku tiirsan adeegiisa dhammaan bulshada gobolka sanaag qaybeheeda kala duwan ,waxana dadka bukaanka ah laga soo qaadaa meelo aad uga durugsan magaalada ceergaabo,halkaas oo loogu sameeyo adeegyo caafimaad oo kala duwan ,hadaba cusbataalka guud ee ceergaabo waxa uu soo maray marxalado kal duwan ,laga soo bilaabo 1992-1997 waxa gacanta ku haysay hay’ad lagu magacaabo copy ,hay’adaas oo fududayn jirtay dhammaan baahiyaha caafimaad ee xilligaas ka jirya deegaanka sanaag ,markii uu dhammaaday xilligii ay hay’adaasi ka shaqaynasay cusbataalka waxa soo wajahay xaalada adag oo dhinaca adeegga caafimaad ee gobolka sanaag,taas oo keentay in ay meesha ka baxaan daawayntii bukaanka gobolka sanaag oo dhan.

Markii la soo gaadhay 2010 waxa cusbataalka la wareegtay hay’ada dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee la yidhaahdo” MSF HOLLAND”,muddo sadex sano ku dhow ayay ka shaqaynaysay cusbataalka guud ee magaalada ceerigaabo arintaas oo bulshada sanaag markale rajadii u soo celisay .

MSF waxa ay dib u habayn ku samayn dhamaan qaybaha cusbataalka ,waxa ay shaqa abuuris u samaysay shaqaale caafimaad oo ilaa 50 qof gaadhaya ,laga bilaabo xilligaas cusbataalku waxa uu noqday mid bixiya dhamaan adeegyada caafimaad noockasta si lacag la’aan .
Intii lagu jiray mudadaas waxa uu cusbataalku qaablisay kumanaan bukaaan ah oo intooda badan laga caawiyey xanuunadii hayey ,arintaas oo keentay in hoos u dhac ku yimaado heerka dhimashada hooyada iyo dhalaanka qiyaas aad u hoosaysa marka la bar-bardhigo sidii markii hore ay xaaladu ahaan jirtay gobolka sanaag.
Kadib Markii ay ka baxaday MSF goboka sanaag ayaa waxaa dhacday in markale cusbataalkii meel cidla ah ku dhoco sida uu xaqiijey agaasimaha guud ee cusbatalaaka DR:maxamed axmed cabdi(carabayti),isaga oo sheegay in haatan cusbataalku haysan adeeg caafimaad oo ku filan mudooyinka soosocda
taas oo keeni karta in shaqadii cusbataalku istaagto hadii aan la helin kaalmo caaifimaad oo deg-deg ah .

Dhacdooyinka fooshu xun ee ka taagan gobolka sanaag ayaa waxayn gaadheen meel aad u daran iyadoo ay jiraan dad badan oo la il daran xaalad caafimaad daro halka ay

qaar kalena cusbitaalo ka mid ah magalada ceerigaabo ugu geeriyoodeen dayac iyo adeeg la´aan dhinaca caafimadka ah iyadoo waqtigan aan kala kulmay magalada ceerigaabo dhacdooyin aad u naxdin badan oo la xidhiidha tayo la´aanta ka jirta xaalada caafimaad ee gobolka

Gobolka sanaag oo ah gobolka ugu balaadhan Somaliland ayaa waxaa sidoo kale ay dhibaato wayni ka haysataa dhinaca gaadiidka Ambulance ka oo uu qofka u baahda uu ku khasban yahay inuu shidaal iyo qaadka darweelka bixiyo, waxaana waxaana jira dad badan oo dan yar ah oo aan awoodin inay iska bixiyaan shidaalka taasoo keenta dhimasho iyon quusasho murugo kaga tagta qoysaska reer miyiga ah ee aan markaa awoodi karin

Dhanka kale waxaa ceerigaabo ka jira farmasiyo badan oo ka furan magalada ceerigaabo ma leeyihiin xirfadii mase ka warhaysaa wasaarada caafimaadku dawooyinka ay iibiyaan waxa ay yihiin?

isku soo wada duuduboo dhibaatada ugu badan ee xaalada caafimaad darro ee ka jirta gobolka ayaa waxay si wayn u saamaysay hooyooyinka, caruurta yar yar, dadka qaba macaanka iyo iyo dadka danyarta ah ee ku nool guud ahaan gobolka oo quus ka taagan xaalada caafimaad darro ee gobolka ka jirta

Xaaladan caafimad daro ayaa waxaa looga bixi karaa maadama uu meesha ka baxay doorkii wasaarada caafimaadka oo aan ahayn adeeg aan dabooli karin baahidii dadwaynaha inay dhakhaatiirta gaarka loo leeyahay ay yimaadaan gobolka sanaag oo adeeg caafimaad siiyaan dadka ku dhaqan gobolka sanaag si hoos loogu dhigo khatarta caafimaad ee soo wajahday gobolka sanaag

Salaanmedia/Ceerigaabo