London11April13(SM)Tageerayaasha Xisbiga Ucid ee Uk ayaa xaflad sogootinka u qabtay Marwo Faadumo Siciid Xoghayaha Maaliyada ee xisbiga UCID xafladan oo uu soo qaban qabiyey Gudoomiyaha Xisbiga Uk Maxamed Shiine iyo Xubnaaha xisbiga ee uk xafladan oo ahayd mid si gaara loo soo agaasimaya ayaa waxa kasoo qaybgalay muhiim ah oo ka tirsan xisbiga UCID iyo Qaar ka mid ah gudida Fulinta.
Xoghayaha Maaliyada ee Xisbiga Ucid ayaa mudo ku sugnayd wadankan Uk kana qaybqaadatay dib u habeynta laamaha xisbiga .Marwo Faadumo Siciid waxay aad ugu mahad celisay kulankan kooban ee ay u sameeyeen madaxda xisbiga ku saabsan xor waraysi iyo der-der gelinta hawlaha Xisbiga, Waxay ugu horeyn warbixin kooban oo ku saabsan xaalada guud ee dalka maraayo dhinacwalba.Waxa kale oo ay y ka warantay siyaasada arimaha Dibada ee dalku kusugan yahay,shirka ka dhacaaya Turkey maalmaha inagu soo aadan iyo hawlo fara badan oo xisbiga UCID ku saabsan
Waxa kale oo hadalo kooban kasoo jeediyey qaar ka mid ah madaxda Xisbiga Ucid oo isugu jirey rag iyo Haween,warbixin kooban oo ku saabsan arimaha xisbiga ee Uk guud ahaa,waxayna ku tilmaameen in xisbigu uu hawlo farabadan qabtay,xaga dhisida laamaha UK iyo arimo badan oo ku saabsan xisbiga.
Marwo Faadumo oo beryahanba ku sugnayd London waxa ay ku sii jedaa dalkii,Waxa kulunku kusoo dhamaaday jawi quruxbadan.
UCID MEDIA/London