Xog Ururin daboolka ka qaaday in Boqolkiiba 70% ay deegaamada Somaliland Dhulka Hoostiisa Biyo Ceegaagaan

Xog Ururin daboolka ka qaaday in Boqolkiiba 70% ay deegaamada Somaliland Dhulka Hoostiisa Biyo Ceegaagaan

April 28, 2013

Hargaysa(SM) Munaasibadd lagu soo bandhigayay Natiijada ka soo baxday Xog Ururin laga Sameeyay Biyaha dhulka hoostiisa mara ee Deegaamada Somaliland ayaa lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargaysa.

Xog Ururintan oo ay iska kaashadeen Wasaarada Macdanta,iyo Biyaha, Hay’ada FOA ISWALIN Qaybteeda qaabilsan Biyaha.

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Macdanta iyo Biyaha ee Jamhuuriyada Somaliland Md.C.salaan Maxamud oo hadal ka jeediyay madashaasi ayaa Sheegay in Xog ururintani socotay Sanadihii 2011 iyo 2012kii, isla markaana ay ka caawin doonto Ogaanshaha Meelaha Biyuhu ku jiraan iyo tayadooda.

Wasiirka Wasaarada Beeraha ee Somaliland Mudane Faarax Cilmi Geedoole ayaa isaguna Xusay in talaabadani tahay mid waxweyn ka taraysa Sidii loo heli lahaa Xogaha biyaha iyo Ciida Wax beerista ku haboon.

Hay’ada FOA ISWALIN Xafiiskood Nayroobi ayaa sheegay in Xog Ururintan laga sameeyay Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland isla markaasna lagu Ogaaday in Boqolkiiba Todobaatan Dhulka Hoostiisa Biyo Ceegaagaan isagoo tilmaamay in daraasado dheeraad ah loo helay si loo ogaado Xadiga Biyaha iyo Tayadooda .

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Macdanta Iyo Biyaha Siciid Axmed Jirbiil ayaa ka Waramay Muhiimada daraasadan iyo Faa’iidada ku jirta.