Xoghayaha Arimaha siyaasadda ee xisbiga Ucid Abokor Maxamed Shukri oo canbareyey Xildhibaanada loo kordhiyey iyo Golaha Gurtida

Xoghayaha Arimaha siyaasadda ee xisbiga Ucid Abokor Maxamed Shukri oo canbareyey Xildhibaanada loo kordhiyey iyo Golaha Gurtida

April 27, 2013

London 27April13 (SM) Xoghayaha siyaasadda ee xisbiga ucid Mudane Abokor Maxamed Shukri oo u waramaya saxaafada ayaa canbareyey xil u kordhinta goolaha wakiilada loo kordhiyey iyo goloha guurtida  isaga oo shegay  Waxaanu si aad iyo aad u culus u canbaareeynaynaa hadaanu nahay xisbiga UCID in labada gole ee fadhiidhka noqday ee korar saday mudada dheer si ay u sii gurtaan Mushaharka xaaranta ah ee aanay ummadda wax allaale wax ay ugu qabanayaan jirin iyagoo ku milmay golaha xukuumadda ee Madaxweyne Siilaanyo una sahlay in mususuq iyo eexda iyo hanti boobka iyo xeerarka ummadda Reer Somaliland lagu dabrayo indho la’aan iyo duuduub ku ansixiyaan taas oo shacabka reer somaliland marnaba  rali ka ahayn ,iyada golaha wakiiladu koran koodu marna aan buuxsan oo rag badan isaga shaqo tagay qaar ka midina aanu ka soo xaadirin  golaha  .Xoghayaha Arimaha Siyaasada oo ka hadlay Booqashada uu ku jiro  Madaxweynaha iyo waftigii Qaran ee uu hogaaminayey Guushii Somaliland uga soo hoyatay shirkii TURKIGA iyo Boqashada uu ku marayo wadamada Uk iyo Maraykanka  oo reer somaliland gudo iyo dibadba ku diirsadeen, cadowgeenuna ka naxeen kana xumaadeen.

Xoghayaha siiyasada ee xisbiga Ucid ayaa waxa shacabka ku dhaqan Uk in la qaban doono xaflad heer sare oo lagu soo dhawaynayo gudoomiyha xisbiga Mudane Faysal Cali Waraabe iyo Murashaxa Madaxwaynaha Jamaal Cali Xuseen oo dhawaan soo boqanaya wadankan Uk taas oo fariin u diray inay xafladaas ka soo qayb galaan xisbigana uu u furan yahay dhamaan bulshawaynta Somaliland ee ku dhaqan Uk .Waxa kale oo u ugu baqaya umadda reer somaliland dalka  iyo dibaddaba inay xuska sanad guuradda 22 ee ka soo wareegtay dib ulla  soo noqoshadii dawladnimadda iyo madax banaanidda somaliland  inay iyagoo isku duuban kor uqaadaan una muujiyaan caalamka siday inoogu weyntahay maalintani wax dib looga noqonayana aanay jirin.

Xigasho Qurbajoog