Xukuumada Somaliland oo Heshiis kula Saxeexatay Maraykanka Shirkad Shiidaal iyo kulnka Seneter USA ah

Xukuumada Somaliland oo Heshiis kula Saxeexatay Maraykanka Shirkad Shiidaal

April 24, 2013 

 

Washington 24.(SM)  Xukuumada Somaliland ayaa heshiis Soo Saarida Shiidaalka ah ,Kula Gashay Magaalada Washington Shirkad laga leeyahay Wadanka Norwey,Taas oo lagu Magacaabo DNO Norwegian oil company.

Sida lagu Sheegay War qoraal ah oo Ka Soo baxay Weftiga uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamed Siilaanyo ,Heshiiskan Waxaa dhinaca xukuuumada Somaliland u Saxeexay Wasiirka Macdanta,Tamarta iyo Biyaha Md.Xuseen cabdi ducaale halka dhinaca shirkadan uu u sexeexay madaxa fulinta ee shirkadaasi D.N.O Mr.  bijan mossavar-rahmani sidoo kale

 

Waxa Saxeexa heshiiskan goobjoog ka ahaa Madaxwaynaha Somaliland mudane axmed maxamuud Siilaanyo .

Wasiirka macdanta iyo biyaha Somaliland oo sexeexa Heshiiskan kadib hadal kooban,halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in uu ku farxsan yahy heshiiskan cusub ee ay xukumada somalilnad la gashay shirkada DNO Norwegian oil company .

Wasiirku Waxa uu Xusay inay Shirkadani tahay tii sadexaad ee hawlo Shiidaal baadhis ah ka bilaabi doonta Somaliland,Gaar ahaan sadexdii sanadood ee ugu danbeeyay taasina waxay cadaynaysaa ayuu wasiirku yidhi  sida ay shirkadaha caalamiga ahi u danaynayaan shidaalka ku kaydsan somaliland.

Madaxa fulinta ee shirkada  DNO bijan mossavar-rahmani oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in heshiiskani uu yahy mid taariikhi ah oo midho dhal noqon doona , mr. rahmani waxa uu sheegay in baadhitaan ka bilaabi doonaan dhul qiyaastiisu dhan tahay 12,000 skm, waxa kale uu sheegay in ay Somaliland ku taalo meel u dhaw meelaha ay shirkadani hada howlaha shidaal qodis ah ka wado sida wadanka yeman iyo Iraq.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamed Siilaanyo oo ku gudo jira kulanadii Kala Duwanaa ee uu la lahaa Madaxda Wadanka Maraykanka, ayaa maanta waxa uu aqalka baarlamaanka ee capitol hill kula kulmay senator Jeff Flake oo ka mid ah gudida golaha senet-ka u qaabilsan arrimaha afrika .

Sentor jef flake waxa uu madaxwaynaha uga mahd celiyay booqashdiisa u ku soo booqday xafiiskiisa, Isagoo somaliland ku aamany hor-umarka baladhan ee ay ku Talaabsatay Gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada, Dimuquraadiyada, iyo degenaansha geeska,Waxa uu Mudanahani kula dardaarmay in ay Somaliland dedaalkeedaa halkaasi ka sii wadaan, Isagoo Beesha Caalamkana u soo Jeediyay inay Somaliland ku abaal Mariyaan Waxqabadyada ay hirgaliyeen iyo Sida ay Suurto gal uga dhigeen inay Meel Mariyaan Nidaamka Dimuquraadiga ah iyo Doorashooyinka Xorta ah.

Geesta  kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamed Siilaanyo  ayaa u sentorka u gudbiyay qoraal uu ku faafaahinayo horumarka somaliland gaadhay iyo waxyaabaha u baahan in wax la gala qabto .

Washington SM