Xukuumada Soomaaliya oo Maanta Magacawday Safiirka Cusub Soomaaliya ee Dalka Ingiriiska.

Xukuumada Soomaaliya oo Maanta Magacawday Safiirka Cusub Soomaaliya u fadhi Doona Dalka Ingiriiska  
 

safiir

Khamiis,18.4.13 (SM)Xukuumada Somalia ayaa maanta ku dhowaaqday safiirka cusub ee wakiilka uga noqonaya dalka ingiriiska kaasoo fadhigiisu noqon doono magaalada London.

Ka dib kulan maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirada ee xukuumada Somalia ayaa waxay isku raaceen in safiirka cusub ee dowlada Somalia u fadhi doona dalka Ingiriiska loo magacaabay C/llaahi Maxamed Cali Sambaloolshe.

Magacaabidan safiirkan cusub ee loo magacaabay dalka Ingiriiska ayaa ku soo aadeysa xilli wax bisha May ee fooda inagu heysa lagu qabanayo magaalada London shir caalami ah oo looga hadlayo xaalada Somalia kaasoo ay qaban qaabadiisa leedahay dowlada Ingiriiska.

C/llaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo mudooyinkan dambe wax ka baranayey jaamacada Oxford ee dalka Ingiriiska ayaa horey xilal uga soo qabtay xukuumaadihii KMG ahaa ee dalka soo maray kaasoo uu ka mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha, isagoo sidoo kale muddo fara badan ka soo shaqeeyey heyadaha QM.

Sambaloolshe ayaa noqonayaa Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u magacowdo dalka Britain tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 22 sano ka hor, iyadoo dowlada Ingiriiska ay sanadkii hore safiir u soo magacowday Somalia.

Wasiir ku xigeenka wafaafinta, Ibraahim Isaaq Yarow ayaa sheegay in maadaama lagu wado in bisha May ee sannadkan lagu qabto London shir looga hadlayo arrimaha Soomaliya ay waxaa lagama maarmaan noqotay in la magacaabo safiirka Soomaaliya ee Britain.

Salaanmedia/Hargaysa