Xukuumadda Oo Wadda Qorshe Keeni Kara In Aanay Doorasho Si Sax Ah Dalka Uga Dhicin Iyo Xeer Arrinkaasi Horseedaya Oo Golaha Wakiilada La Horgeynaayo.

Xukuumadda Oo Wadda Qorshe Keeni Kara In Aanay Doorasho Si Sax Ah Dalka Uga Dhicin Iyo Xeer Arrinkaasi Horseedaya Oo Golaha Wakiilada La Horgeynaayo.

doorasho

Hargeysa(SM) Apr.18, 2013 – Xukuumadda ayaa waxay soo abaabushay qorshe ay doonayso in shaqadii komishanka doorashooyinka lagu wareejiyo wasaaradda arrimaha gudaha iyo ha’yadda International Organization Of migration (IOM) kaasi oo keeni kara in doorashooyinku si mad madaw ku jiro u qabsoomaan.

Sida ay xaqiijiyeen shakhsiyaad u dhuun daloola warkan ayaa waxay xukumaddo doonaysaa in nimaadkii diiwaan-gelinta codbixiyaasha in lagu wareejiyo wasaaradda arrimaha gudaha oo kaashanaysa hay’adda IOM taasi oo ah shaqadii uu komishanku qaranka u hayey .

Waxaana xukuumaddu doonaysaa sida ay wararkan ay Ramaas ku heshay in fadhiga ugu horeeya ee golaha wakiiladu yeelanayaan la horkeeno xeerkaasi oo la sheegay in ay waliba xukuumaddu si weyn u doonayso in dabada uga riixdo.

Xeerkan ayaa waxa uu isku darayaa labada nidaam ee kala ah diiwaan-gelinta codbixiyayaasha oo ah shaqadii komishanka (Voter Registration) iyo diiwaan-gelintii madaniga ahayd (Civil Registration) oo ah shaqo ay dawladaha hoose leeyihiin iyaga oo kaashanaya wasaaradda arrimaha gudaha .

Arrinkan ayaa keeni kara in xukuuumaddu awoodo dheeraad ah ku yeelato codbixinta doorashooyinka madaama ay iyagu saamayn ku leeyihiin qaadashada iyo diiwaan-gelinta cobixiyayaasha, waxaanu xeerkani dhigayaa in diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ay la wareegto dawlaha hoose.

Nidaamkan ayaa waxa uu la mid yahay ka ay kudhaqantao dawladda Jabouti oo ah mid u sahlaaya xisbiga talada haya in uu ku shubto doorashooyinka waaana qaab ah in la dalooliyo warqadda codaynta  taasi oo ka dhigaysa in haddii uu qofku sito waraaqo badan oo dhawr jeer kala codayn karo mana aha mid u sawir ku yaallo.

 

Xigasho Ramaas