Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay In Madaxweyne Siilaanyo Marti-qaad ka helay Maraykanka

April 15, 2013
Dr-Sacad-Cali-Shire

Hargeysa (SM)- Wasiirka wasaaradda Qorshaynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiirul dawlaha Maaliyadda Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) ayaa daboolka ka qaaday in Madaxweynaha Somaliland uu marti-qaad rasmi ah ka helay dawladda Maraykanka.

Wasiirradan oo maanta shir ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay iyagu socdaal ay ugu gogol xaadhayaan safarka madaxweynaha ay ku tagi doonaan dalka Maraykanka, iyagoo shir kaga sii qeyb geli doona Magaalada Addis-ababa ee dalka Maraykanka.

“Waxaanu Aniga (Wasiirul dawlaha), Wasiirka Qorshaynta iyo Wasiirka Macdanta iyo biyuhu aanu safar ku tagi doonaa dalka Maraykanka, iyadoo aanu ugu sii gogol xaadhayno safarka madaxweynaha Somaliland dhawaan ku tagi doono dalkaasi oo uu madaxweynuhu marti-qaad rasmi ah ka helay,”ayuu yidhi Wasiirul dawlaha Maaliyadda Mudan Cismaan Cabdilaahi Saxardiid.

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay ka hor inta aanay u ambo-bixin maraykanka ay Itoobiya kaga qeyb geli doonaan shir caalami ah oo ay kula kulmi doonaan qaadhaan-bixiyeyaasha.
“Inta aanaan u ambo-bixin Maraykanka waxaanu dalka Itoobiya kaga qeyb geli doonaa shir caalamiya oo aanu kula kulmi doono Ha’yadaha DFID Iyo DANIDA oo maal-gelinaya sanduuqa mucaawimo ee Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka Qorsheyntu.

Dr. Sacad waxa uu intaasi ku daray “Waxaanu halkaasi ku kala saari doonaa shirkadaha maamuli doona gacan ku haynta maamulka sanduuqaasi.”

Salaanmedia/Hargaysa

“Shirkaasi ka dib waxaanu u ambo-bixi doonaa dalka Maraykanka oo aanu gogol xaadh u noqon doono socdaalka Madaxweynuhu ku tagi doono wadankaasi oo uu marti-qaad ka helay,”ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta Somaliland.