Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

“Yurub Baan Ka Gacan Haadiyaa Markaan Guuraawee” Qaybtii 8aad‏ – Qalinkii: Maxamed Siciid Gees.

“Shanta oo isweheshadayeey Wacnaydaa

Calan inay Wadaagaaneey wanaagsanaydaa”

Erayadii (Barkhad Cas)

Barkhad Cas, markuu lixdankii uu tiriyey erayada heestan, waa uu cilmiyeeyey ee waa la garanwaayey Calan Wadaagawaxa uu ka horaysiiyay Weheshiga.

Shanta Soomaaliyeed ee uu sheegayey waxay kala ahaayeen: Jabuuti , Somaliland , Soomaali Galbeed, Soomaaliya, Waqooyiga Bariga Kenya (NFD), Shantaas gobol ee Soomaalidu degto cidi may kala qaybin iyada oo isku dal keliya ah ee weligeedba way kala qaybsanayd oo meel keliya lagama xukumayn karayn, haddana lagama wada xukumi karo.

Qoloyin waxay heshiis la galeen Faransiiska, qolooyinna Boqortooyada Midawday (UK), qolooyinna Talyaaniga, qolooyin kalena Boqortooyadii Xabashida, soodimaha waxa tilmaamay Soomaalida oo abaannimo doonaysay ilayn gaaladu dhulka oqoon uma lahayn. Fikradda Soomaaliweyn iyo Xisbigii SYL (waxay ku bilaabantay SYC oo ah kilaab dhalliyaro, kilaabku waa shuqul khawaaje waad aragtaa farta)waxa iska lahaa Maamulkii Boqortooyada Midawday ee dagaalkii labaad qabsaday dhammaan Geeska Afrika iyo Afrikada Bari.

Hore markii Talyaanu Konfurta joogay ma jirin sheekada SYL iyo Soomaaliweyn. Qoladan cusub ayaa dal ballaadhsi wadatay oo rabtay inay xalaashato mustacmaradeeda, ilaa Jimciyadda Qaroomaha Wasiirkii Arrimaha Dibaddeedu ee waqtigaas Sir Befin uu la tegay wase lagu diiday dal ballaadhsigaasi. Waxa ra’yigaasi uu abuuray dhibaatada dhul balaadhisga ee Muqdishu ka imanaya oo saamaysay Geeska Afrika oo ilaa manta sii jirta.

Haddaba, waxa Abwaanku heestiisa uu ku tilmaamay horta iyaka oo kala jira inay, inay shantu isweheshadaan ilayn ismba yaqaaniin eh, haseyeeshee waxa lagu horreeyey in la raadsho calan wadaag, kaas oo dab iyo halac geliyey gobolkanGeeska Afrika.

Jamghuuriyadda Soomaaliyeed waxay hub ka soo urursatay Bari iyo Galbeedba, Russia, Maraykan, Germany Bari iyo Galbeed, Italy, Masar, Iraq , Iran, Pakistan, Romania, North Kore,a waxay caashaqday qoriga iyada oo dekaddo, wadooyin, caafimaad, waxbarasho iyo nolol dhaqaale haysan oo xataa dadkeedu biyo madaw oo ay cabbaan ay la’ yihiin.

Dib-u -Dhacu waa uu wada saameeyey Shantii Soomaaliyeed .Soomalidii Galbeedwaxay noqdeen qaxooti markii lagu bilaabay dagaal joogto ah, kuwii Waqooyi Bari ee Kenya waxa lagu magcaabay shifto oo xerooyin ayaa loo ooday markii jabhadda loo sameeyey, Djibouti debadda ayaa looga soo tuuray dadkii sharciga lahaa. Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed iyadii ay dib isugu jeensatay oo is cuntay oo hubkii ay soo urursatay isku qarxisay, sidii shimbirtii dabka qaaday ee buulkeegii gubtayayey ayey noqotay burbur iyo dagaal ku habsaday.

Hadda Kontan sanno kadib, maxaa la dheefay oo soo baxay? Jamhuuriyadda Djibouti oo noqotay furaha horumarka Geeska Afrika oo Soomaali oo beel kasta leh, Cafar iyo Carab ay ku wada nooshahay.

Somaliland oo jidkii horomarka ee ahaa nabadda iyo dimuqraadiyadda qabsatay oo durba ufadi barwaaqadu ay hayso. Goballadda Waqooyiga Kenya iyo Soomaalidii ku dhaqnayd oo Soomaalidii kale magan u noqtay oo Caasimadda Nairobixildhibaanno Soomaali ihi ka soo baxayaan iyo Guddigii Doorashadda Kenya oo Soomaali ka madax yahay. Guddoomiyihii Baarlimaankii oo Soomali ku-xigeenka yahay iyo tiro wasiirro ah;

Dhaqaalihii oo Soomaalidii wax ku yeelatay .Marxuun Xasan Guuleed Abtidoon Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa BBC-du warraysatay markuu la heshiiyay qoladii Furuud ee ahayd jabhaddii Cafarta ee la dagaalamaysay. Waxa la weydiiyey waxyaalahii ay ku heshiiyeen qoladdii ku kacsanayd. Waxa uu ku jawaabay; “Cashada wax naga siiya ayey yidhaahdeen, anuguna tafadalu ayaanu nidhi.” Alla xikmad weynaa, meeshan Afrika illeyn casho ayaa la isku hayaa? Soomaalidii Kenya cashadii ayey wax ka heleen. Qoladii Soomaali Galbeed horomar iyo nabad ayey ku hinqatay oo wadooyinka laamiga ah, garoonada diyaaradaha ee casriga ah, jaamacadaha, dugsiyada, xarumaha caafimaadka iyo ceelasha biyaha waa laga haqabtiray , iyaka ayaa loo qaxaa ee lagama soo qaxo sidii dhici jirtay.

Waxa muuqata in loollankii beeluhu uu hoos u dhacay markii qolo waliba meeshedii madax ka noqotay, waayo hore ayaa nin gabyaa ihi u yidhi; “Qab qab dhaafay bay laba qabiil qaran ku waayeen.” Qolo waliba qabkeedii ayey la joogtaa meesheeda.

Waxa shantii soo hartay Soomaaliya oo ahayd qaybtii ugu weyned ee ugu dad badnayd, weli ma kal miirmin oo weli waxa waqti kaga lumay Calan Wadaagii ayey ku si wadaan, Waxa bale ka dhacday waxay noqotay meel hadba lagu tijaabiyo fikradaha reer Galbeedku la damacsan yihiin dalalka dunida saddexaad ama afraad markan. Bushkii Kowaad waxa uu la yimid “New World Order” Habka Cusub ee dunida loo dhigay, markuu dagaalkii Khaliijka ku guulaystay Soofiyeetkiinaburburay, haseyeeshee riyadii waxay ku burburtay markii meydkii askartaMaraykanka Xamar la jiiday iyo Black Hawk Down”.

Hadda waxa socda Obama Doctrine oo ah in calooshood u shaqaystayaal reer Afrika ah oo kharashka Khawaajayaashu bixiyaan lagu qabsado dalkii Afrika ah ee ay dan ka leeyihiin. Nidaamkan oo ah kii Qarnigii 18naad Reer Yurub ay AfrikaAdoonta kaga guran jireen intay cuqaashood hub iyo lacag siiyaan, oo ay odhan jireen noo soo qabqabta adoonta ,deeto arlada Cusub ee Maraykan Waqooyi iyo konfur lagu geyn jiray oo lagaga shaqayn jiray.

Markan halkii Cuqaasha waxa galay Madaxweynayaal Afrikaan oo kireeya calooshi u shaqaystyaasha iyana khidmad ka qaata, waxa la doonayaa hadda khayraardka ay Afrika ku dihin tahay ee ku jira.

Haddii aan ku soo noqonno afartii kale ee Soomaaliyeed, iyagu hawlahoodii ayey ku kala aadeen iyo dib-u-dhiska dalalkood iyo horomarinta bulshadooda, waxay na u wada diyaar yihiin isweheshi ee diyaar uma aha Calan Wadaa iyo midnimo ee qolo waliba waxay iimaansatay meesheedii.

Soomaalidu waagii hore ee ay Reer Guuraga ahayd ee aanay magaalooyinku jirin odayaasha iyo habraha duqooba ee socan kariwaaya waxa laga tuuri jiray jarar dhaadheer oo la yidhaahdo Qumayo Rid. Waxa la sheegay in oday gaboobay oo indha beelay uu inankiisii dameer ku soo qaaday, dabadeed waxa uu keenay meeshii lag ridi jiray. Odaygii waxa uu dareemay dhaxantii ka soo yooxaysay jarka. Inankii ayuu weydiiyey oo yidhi; “Aabbo meeshu geed mooli ihi ma ku yaalaa.”Markaas ayuu ku jawaabay inankii “Haa aabbo.” Waxa Odaygii ku celiyey, “Iska wad waa halkii aan aabbahay ka tuuray eh.”

Hadda hubkan Maraykan laga keenayo, kan Masar ka imanaya, kan Djibouti ka yimid, muxuu soo kordhinayaa? Iyada oo weli gaajo iyo macaluul lala liito. Saw kuma ay noqon halkii la iska tuuri jiray, saw nabadayn iyo dib-u-heshiini kama horreyso hubka? Hadda ayaa qoladii NATO (Khawaajayaashii) Afghanistan ku duushay oo toban sano ka dagaallamaysay oo qorsheeyay in sannadka 2014ciidammadooda kala soo noqdaan ay leeyihiin, haddii laga baxo oo laga soo noqdo Afghanistan iyada oo aan lala heshiin Taalibaan halkeedii ayey ku noqonaysaa iyo dagaalkii sokeeyee. Waxay sidaa leeyihiin markii kumaankun dad ihi ku dhimatay oo balaayin dollar ku baxday. Fulaw guuli kuu dhowaydaa. Mee kibirkii iyo isla weynidii? Bal aan eegno Jareerweyntu waxay keentu.

Qoladan reer Soomaaliya waxa seegay horta in tii hore wax u wada lahayd ay horta heshiiyaan, dabadeed iyaga oo wada jira dhallinyarada dagaalamaysa ee wadaaddada ah la heshiiyaan ciidammada shisheeyaha iyo calooshooda u shaqaystayaasha isu soo qayshada ay iska saaraan. Sheekada Soomaliweynna ay firiijka iska geliyaan hadda. Saw kuwani halkii Abwaan Qaasim sheegay maraya,markuu lahaa; “Ma raadkii aan dorraad dhigaan dib ugu soo laabtay – sidii aan dayeysanahay miyaan dawgii ka halaabay.”

 

Qalinkii: Maxamed Siciid Gees.

 




Leave a Reply