Gudida qaban-qaabada xaflada 18 May oo shacabka SL Fariiin u diray

image (S-Hargeysa) Guddida qaban-qaabada xuska sanad guurada laba iyo labaatanaad ee la soo-noqoshada madax-banaanida Somaliland  ayaa bulshada ugu baaqay in ay si mug leh uga qayb-qaataan xuska maalintaas. Guddida qaban-qaabadda xuska sand-guuradda laba iyo laabatanaad ee ka soo wargeetay qaranimadda Somaliland oo  maanta Shir jaraa’id ku qabtay  Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland ayaa shacabka ugu baaqay ay si baladhan uga qayb-qaataan xuskaasi.   Wasiirka wasaarada arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo  Shirkaasi jaraa’id ka hadlay hadlay ayaa sheegay,inay shacabka u gudbinayaan fariin ah inay si weyn u muujiyaan qaranimadooda maalinta 18Ka May gudo iyo dibadba, waxaanuu Gudoomiyayaasha Gobolada dalka iyo maayirada degmooyinka ujeediyey inay xoojiyaan amniga ,isla markaasina si weyn loo muujiyo bilicda magaalooyinka. Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland ahna Gudoomiyaha Gudida Qaban qaabada Xuska 22 Guurada ka soo Wareegtay Markii aynu la soo noqonay Madax banaanida Somaliland ayaa Tilmaamaay qaabka Xuskan qaran looga qayb qaadanayo isagoo Yidhi Cod 1 Dhanka kalena,Kulankaas oo ay ka hadleen, wasiirka wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda Mud, Cabdillahi Jaamac Cismaan-Geel-jire-, Wasiirka Waxbarashada Marwo SamSam Cabdi Aadan,Wasiirka Wasaarada wershadaha  Cabdirisaaq Cali cismaan, Maayirka Caasiimada Cabdiraxmaan maxamuud Caydiid,La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Bulshada Barkhad Jaamac Xirsi  iyo Xubnaha kale ee Gudiga ayaa ugu baaqay dadweynaha , inay si balaadhan uga qayb qaataan sanad Guurada xuska la soo noqoshada madax-banaanida somalilansd ee 18-ka May. Iyaga oo ujeediyey Jaaliyadaha somaaliland ee dibadda ku dhaqan inay iska kaashadaan sidii ay ugu muujin lahaayeen cududooda qaranimada somaaliland. Iyaga oo sheegay inay kala qayb qaadan doonaan wufuud golayaasha qaranka ka tirsani. Waxa kale oo Guddigu ay war-baahinta dalka ujeediyeen inay door weyn ka qaataan wacyi gelinta abaabulka xuskan iyo soo bandhigidda taariikhda madax-banaanida Somaliland iyo horumarkeeda.