Soomaaliya Oo IGAD Oo Ka Codsanaysa In La Xoojiyo Ciidamada Nabad Illaalinta AMISOM.

(SM)- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud , oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee dalka ETHIOPIA Oo uu kaga qaybgalayo shirka wadamada ururka goboleedka IGAD ,ayaa wada qorshe uu ku doonayo in dalalka deriska ah uu kaga dhaadhiciyo xoojinta ciidamada AMISOM oo ay qayb ka yihiin.
Shirkan, ayaa waxa lagaga wada hadlayaa ammaanka gobolka Geeska Afrika , ayaa diirada la saarayaa xaalada Soomaaliya oo ah meesha ay ka dhacaan rabshadaha ugu badan gobolku.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta shirka IGAD ka qaybgalaya markii u horeysay intii xilka la wareegay bishii hore April, waxaana alagu wadaa in uu taageeri doono qorshaha dawlada Soomaaliya.
ETHIOPIA oo lagu wado in ay ciidamadadeeda kala baxaysa Koonfurta Soomaaliya, ayaan la ogayn sida uga jawaabi doonto codsiga Xasan Sheekh Maxamuud.
Salaanmedia/Hargaysa Office