Ma Dadkaa Toosin u Baahan Mise Dawladda? Qaybtii 10aad Doorashadii deegaanka

Doorashadii deegaanka

Doorashadii u horreysay ee deegaanka waxa la galay iyada oo la miyir-qabo. Xubnihii golayaasha ee la doortay waxa ay ahaayeen dad aad uga duwan kuwii iminka la soo doortay. Waqtigaas ma jirin dad siyaasadda iyo doorashooyinka ku walfay oo ka ganacsada iyo siyaasad-maraan midna. Doorashada laguma gelin diiwaangelin haddana sidii tii iminka rebshadi kama dhicin. Welina Somaliland kama dhicin doorasho Gole Deegaan iyo Gole Wakiil oo lagu galay diiwaangelin. “shalay dhaantay’’ waa halhays afka dadku bartay, mararka qaarna run ba u badan.

Ololihii iyo Xulashadii Doorashada

Bal aan yara dul joogsanno doorashooyinkii deegaanka ee ugu danbeeyey iyo sidii wax u dhaceen. Doorashadan waxa lagu heshiiyey in lagu galo diiwaangelin la’aan, markii lagu kalsoonaan waayey diiwaangelintii hore loo sameeyey ee cod-bixiyayaasha laguna galay doorashadii madaxtooyada. Waxa kale oo si cad u muuqatay in ololaha lagu waday hab-qabyaaladeysan. Waxa aad arkaysay dad qabiil sheeganaya oo leh ‘’waxa qabiil kayagu taageersan yahay urur hebel.’’ Waxa ka sii yaab badnayd reer leh ‘’waxa noo musharax ah hebel.’’ Mar waa hanjabaad ku socota ururka ay doonayaan in qofka ay wataan ka soo baxo oo ah ‘’haddii aanad qof kan qaadan codka waxa aan siinaynaa urur kale.’’ Marna waa ‘’reer kayagu qof kan buu soo xushaye qof kale lagaama maqli karo.’’ Waxa aad isweydiinaysay ‘’ma reeraa tartamaya mise ururro siyaasadeed? Waar illayn annagaa wax aragnay! Dhinaca kale ururada laftooda ayaa siigo, boodh iyo sawaxan uun la shir imanayey. Hanti badan oo ku baxaysay meelo aan munaasib ahayn ayaa si waalli ah loo faraqayey. Inta aan ka war hayo hal urur (waddani) baa markii danbe u leexday in uu dhinaca samofalka ololihiisa ku daro. Laakiin guud ahaan hannaanka ololaha ururradu waxa uu ahaa mid aan xigmad iyo garasho midna ku dhisnayn.

Xulashada tartamuhu waxa ay ahayd mid aan tayo ku qotomin. Dhawr  shey baa u sabab ahaa in la xulan kari waayo qof karaamo lagu tuhunsan yahay. 1.  tirada ururka laga rabo in uu soo sharraxo ayaa ahayd mid badan oo aan si fudud loo heli karayn, oo urur waliba waxa uu ka baqayey in waqtigu ka dhaco inta uu raadinayo qof lagu kalsoonaan karo. Markaa waxa uu gudbinayey liis magacyada ku qorani yihiin iga buuxi uun. 2. Qabqablayaal qabiil ku maxaafsi ah oo u ololeynayey shiqsiyaad laaluushay ama jibbo qabiil ku kasbaday, codadkii dadkana reer reer u kala qoqobay. Taasina ay keentay in ururkii waayoba jid u bannaan oo aan ahayn in uu doorashada ka hadho ama is dabo-taago siyaasad-ku-macaashka reeraysan ee urur iyo dadweyneba loo afduuban yahay. 4. Bulshada oo aan ahayn mid u bisil sida qof loogu xusho xil hoggaamineed, codkoodana lagu kasbanayey tola’ay iyo xamaasad qabiileysan.

Waqtigii Doorashada

28/11/2012 waxa loo dareeray goobaha cod-bixinta. Yaa codeynaayey? Bal eeg sawirrada hoos ka muuqda. Si wanaagsan ugu fiirso dadweynaha is dabo-taagan ee doonaya in ay codeeyaan. Isweyddii su’aalahan: 1. Dadka codeynayaa ma lab bay u badan yihiin mise dhaddig?  Intee ayey u dhexaysaa da’da codeeyayaashu?

 

Sawir-doorasho

 

Sawir-doorasho

Sawir-doorasho

Sida aan sawirrada ku aragno waxa codeynaayey dhallinyaro dumar u badan iyo wiilal da’ yar ah. Waa nooca bulshada ugu jibbada badan. Waxa la odhan karaa qalbigooda kuma jiraan wax aan xamaasad ahayni. Waxa dareenkooda hadheeyey qof u habar-wacday oo ka iibiyey fikir qabiileysan.

Maskaxdaadu yey noqon maqal lagula leeyahay

Yaan toban muftaax iyo lagu furan masaabiir.

Ibraahim-Gadhle

Waa cod-bixiye aan lahayn aragti xor ah iyo waayo-aragnimo uu ku kala xusho labo qof oo raad ku yeelan kara noloshiisa. Doorashooyinka, ka wax dooranaya iyo ka la dooranayaa midna ma ahayn kuwii xalka keeni lahaa. Waxa aan ujeednaa ‘’dadkii wax bedelikarayey wax ma dooran lamana dooran.’’ Kuwa ku hadaaqa ‘’ waa in wax la saxo, waa in maamul xumada la bedelo’’ marka ay fadhiyaan maqaaxiyaha, marfashyada iwm ah 95% lama arko maalinta doorashada. Markaa ma dhallinyaro jibeysan baa xal xalkeeni? Weel wixii lagu shubto uun baa laga helaa. Markasta dadka ku soo baxa doorashada iyo dadka doortay wey isleeyihiin.

 

Doorashada ka dib

Markii lagu dhawaaqay natiijadii doorashada waxa soo baxay cabashooyin iyo rebshado aan hore loo arag.  Nidaamka doorashada ee heshiiska lagu ahaa ayaa loo wada dulqaadan kariwaayey ceebihii ka soo baxay. Ninkii guulaystay khalad kasta oo dhacay isaga guushu ugu dhan. Kii guuldarrada loo dhiibayna waxa u wada cuntami waayey guuldarro iyo guracii doorasho. Laakiin waxa aan cidina is weydiin in heshiisku ahaa ‘’kabo la’aan ha lagu cararo, qofkii qodaxi muddaana yeelkii.’’ Khilaafkii doorashadaas ka dhacay weli waa taagan yahay dhiigna waa ku daatay.

Wejigii qabyaallada ee ololaha lagu galay ayaa mar kale hoggaanka u qabtay. Waxa la kala sooci la’yahay ilaa iminka ma reer baa guuleystay mise urur siyaasadeed? Ma qabiil baa doorashada ku dhacay mise urur? Waxa doqonnimo labaad noqotay tartankii xilalka dawladaha hoose oo reero loogu tartamay halkii ururro loogu tartami lahaa. Ma jirin wax xisbiyo ah oo dood iyo talo inta ay isugu yimaaddeen ku lafo guray cidda hoggaaminaysa golaha deegaanka ee soo baxay, 100% doorkoodii waxa jilayey shiqsiyaad huwan magac qabiil iyo xildhibaannadii soo baxay oo markiiba reer isu kala urursaday.

 

Maxaa Xal Ah?

Haddii doorasho noocan ah dani ina badday oo laga maarmi waayey, waxa aan ku talin lahaa:

 

  1. Cidda la dooranayo oo ciddii loo baahnaa noqota.
  2. Cidda wax dooranaysa oo ciddii wax xuli karaysay ha noqoto.
  3. Ololaha doorashada ha lagu galo si miyir qabta oo aan wax yeelin ammaanka, asluubta iyo dhaqaalaha dadka midna.
  4. Guusha soo baxdaa ha noqoto mid xisbiyadu ka taliyaan ee yaanay noqon mid reero ka taliyaan.
  5. In aan looga qiyaas qaadan tirada dadka Somaliland ku nool inta aadka u yar ee codeysa. Waayo miyiga iyo dadka magaalooyinka ku nool ee ka weyn 35 jir waxa la odhan karaa ma codeeyaan 90%.
  6. In la raadiyo sababta dadka waaweyni u codeyn la’yihiin, lana xalliyo caqabadda hor taagan.
  7. In la garto in isku dan la yahay ee aan kala dan la ahayn.

 

Dhammaad

Maxamed Yuusuf Xaaji C/raxmaan (Keyse)Maale22000@gmail.com