Casho Sharaf lagu sii Sagootinayay Jamaal Cali Xuseen iyoMarwadiisa Farduus Axmed Warsame ayaa lagu Qabtey Magalada London

Casho Sharaf lagu sii Sagootinayay Jamaal Cali Xuseen iyoMarwadiisa Farduus Axmed Warsame ayaa lagu Qabtey Magalada London

SONY DSC

Waxaa habeenkii xalay ee ay bishuna ahayd 14/05/13 xaflad casho sharaf loogu sameeyey galbeedka magaalada london ee cariga ingariiska murashaxa madaxwaynaha xisbiga ucid Jamaal cali xuseen iyo  Marwo Farduus Axmed Warsame oo dhawaanahanba ku sugnaa dalkan Boqortoyada Ingiriska ,martina u ahaa jaalliyada reer somaliland ee magaalada London xafladan oo ay  soo abaabuleen ururada ka jira wadankan uk oo la yidhaa  ururka haweenka Almis .

SONY DSC

Kulankan casho sharafta ahaa ee xalay loo sameyey murashaxa madaxwaynahaxisbiga ucid Jamaal cali xuseen iyo  Marwo Farduus Axmed Warsame oo ah kii labad ee jahliyada reer Somaliland ee london u sameeyeen marka laga reebo kulamo gooni gooni iyo salaan xushmadeed ah oo dad badan ugu sameeyeen magalooyinka Londn,Bristol iyo Birmingham.

SONY DSC

Waxaa madasha soo buux dhaafiyey dad- weynihii  reer Somaliland ee ku nool magalada london ee madasha lagu soo casuumey.

Xafladdan oo si weyn loo soo agaasimey ayaa waxaa ka dhex muuqdey Bulshada qaybaheeda kala duwan sida dhalinyarada Haweenka,Siyaasiyiin bulshada Somaliland iyo marti sharaf kale oo farabadan oo lagu soo casuumey  casho sharaftan.

 SONY DSC

Casho sharaftan waxay bilaabatey 09-30pm taasoo ahayd mid ka dhacaysey jiho ahaan waqooyiga magaalada london hotel ku yaala xafada Great West Road,casuumadan loo sameeyey murashaxa madaxwaynaha xisbiga ucid Jamaal cali xuseen iyo  Marwo Farduus Axmed Warsame waxay ku bilaabatey jawi aad u qurux badan.

SONY DSC

Markii uu madasha soo gaadhey Marwo Farduus Axmed Warsame iyadooy ayku weheliyayaan dad aad u fara badan oo kamid ah jaalliyada Somaliland ee ku nool magaaladan London oo ahaa inta badan dad magac iyo qadarin ku dhex leh jaalliyda reer somaliland ee ku nool UK

Waxaa hees aad iyo aad u qiimo badan ku soo dhaweysey soo galitaanka Xaflada Casho Sharafta ee loo sameyey murashaxa madaxwaynaha xisbiga ucid Jamaal cali xuseen iyo  Marwo Farduus Axmed Warsame Fananada Sanadka Canab Ismail oo habeenkii xaley wacdaro ka dhigte madasha.

 SONY DSC

Waxaa sida cadaadu aheed isla markiiba lagu furey casho sharafta  aayadahii qur,aanka kariimka .

Ka dibna waxaa si rami ah u furmey casho sharaftii waxaana ka Hadley xidhiidhiyaha xafladda Abni Mohamed iyada  oo dadka casho sharafta ka soo qeyb galey mahadnag aad iyo aad u badan uga mahad celiyey dadkan sida wakhtigooda qaaliga ah u soo hureen Habeenkan caawa ah inay la kulmaan Marwo Farduus Axmed Warsame,waxaana  halkaasi ka Hadley madasha Zaynab xaaji geedh kana waramey ujeedada layskugu yimid caawa iyo in ay caawa tahay habeen taariikhi ah waxaa kale u sheegtey shacabka reer somalilnd ee uk siiba tageeraysha xisbiga Ucid ugu baaqday inay ka soo qayb galaan Xaflada 18May oo ah maalin ku suntan qaranimada .

SONY DSC

Waxaa mic loo dhiibey Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Ucid Mudane Jamaal Cali Xuseen oo dadkii madasha joogey aad iyo aad ugu mahad caliyey sidii quruxda badneed ee ay u soo dhameeyeen iyo madashan aynu caawa ku suganahay,isagoo ka waramey xaalada dalka iyo xusbiga ucid halka uu marayo,dadkana ugu baaqey isku duubni iyo midnimo,waxaa Mic lagu wareejiyeymarwada murashaxa madaxwaynaha xisbiga ucid  Marwo Farduus Axmed Warsame

 Iyana dadka madasha jooga ugu mahad celisey sida sharafta iyo maamuuska leh ee ay ugu sameeyeen xafaladan casho sharafta ah haweenka Almis iyada oo hadalkeedi sii wadata waxaay tidhitageerayashii Xisbiga Ucid ee sida wacan iigu soo dhawayey wadankan Uk iyagana aananiloobi kareen  soo dhawayntaa iyo xafladaha kala duwan ee  ka dhacay Birmighama , Biristol  london iyo cid kasta oo kaalin wayn ka qadatay iyo dhamaan Xubnaha Uk garabada Haweenka , Dhalinta iyo Xoghayasha Xisbiga.

 

Si kastaba ha ahaatee xafladan  casho sharafeed  lagu sii Sagootinayay marwada murashaxa madaxwaynaha xisbiga ucid  Marwo Farduus Axmed Warsame ayaa waxaay ku soo gabagboowdey jawi aad u wanaagsan ooy  farxadi ku dheehantahay  iyadoo dhamaan dadkii xaflada casha sharafta soo agaasimey ay u mahad celiyeen dadweynihii xafladaa ka soo qeyb galey oo dhan .

 SONY DSC

 

 

Mohamed Luqman