Wasiirka Waxbarashada Iyo Ardayda Dugsiyada Sare Oo Olole Nadaafadeed Ka Wada Duleedka Aqalka Madaxtooyadda

(SM-Hargeysa) – Ardayda Dugsiyada sare ee Caasimada Hargeysa oo ay hor-kacayso Wasiirka Wasaarada waxbarashada Somaliland Samsam Cabdi Aaden, ayaa saaka olole balaadhan oo nadaafadeed ka bilaabay xaafadda shacabka, gaar ahaan  agagaarka Wasaarada waxbarashada ilaa aqalka Madaxtooyada.

 

 

 

 

 

 

Wasiirka waxbarashada iyo ardayda dugsiga sare, ayaa hadda qashinka ka guraya jidka hor mara aqalka Madaxtooyadda, kaasi oo xuska 18-ka May ay gaado ka ciyaar ku soo mari doonaan ciidamada qalabka sida ee Somaliland oo salaan sharaf siin doona Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Jidkan oo dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa casriyeysay isla-markaana ilaa maanta qaybaheeda u dhow khayriyadii hore gacanta ku haysa, ayaa ardaydu hareeraheeda ka gurayaan wixii qashin ah ee bilicda dilaya.

 

 

Salaanmedia/Hargaysa

Â