Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Dalka Ku Soo Laabtay, Kana Warramay Natiijada Socdaalkiisa

Friday, May 31st, 2013 | Posted by 

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Dalka Ku Soo Laabtay, Kana Warramay Natiijada Socdaalkiisa

 

 

Berbera(SM):- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii isaga iyo Wefti uu Hoggaaminayay ay jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan waddanka Ingiriiska kala qeyb-galeen sannad-guurada 22-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-bannaanida Somaliland oo sannad kasta la xuso 18-ka May.

Madaxweyne Ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan-Saylici oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera, waxa soo dhaweeyay Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Awdal, Maayar Ku-xigeenka Boorama iyo Maamulka gobolka Saaxil iyo degmada Berbera.

Sidoo kale, waxa Weftiga kaga hor-tagay Tuuladda Aw-Barkhadle Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), iyo Guddoomiyaha Ha’yadda Abaabul-ka-saarka Qaranka Jamaal Caydiid Ibraahim.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo qolka nasashada ee madaarka Berbera ugu warramayay saxaafadda ayaa ka warramay ujeedadii socdaalkooda oo qaatay muddo saddex toddobaad ku siman, waxaanu u mahad-celiyay Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Ingiriiska. “Muddo saddex toddobaad ah ayaan ka maqnayn dalka, iyadoo Safarkayagu ahaa safar qorshaysan oo Xukuumadda Somaliland ugu talo-gashay in Jaaliyadaha dibedda lagala qeyb-galo Xafladdii 22-guuradda ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-bannaanida Somaliland. Aniguna waxaan hoggaaminayay Wefti kala qeyb-galay Jaaliyadaha Ingiriiska munaasibaddii 18-ka May. Jaaliyadaha Ingiriisku waa jaaliyadaha ugu weyn jaaliyadaheenna dibedda, waxaanan kala qeybgalay dabbaal-deggii 18 May.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi; “Runtii si wanaagsan bay noogu dhacday dad midaysan oo meel u wada-jeeda ayaannu u tagnay, Xaflado aad u qurux badan oo London kow ka ahayd, iyo saddex magaalo oo kale ayaannu Xaflado kaga qeybgalay, iyadoo ay jeclaayeen magaalo kastaaba aannu u tagno, waxaanay aad u danaynayeen Madaxda Somaliland. Intii noo suurto-gashay afar magaalo oo waaweyn ayaan kaga qeyb-galnay. Arrintaasi midho weyn ayay dhashay. Waxaan maanta ka nimid dadkii oo midaysan oo meel u wada-jeeda oo himiladii ay hiigsanayeen 22-kaas sannadood iftiinka u socda ay fahamsan yihiin inay wax ku gaadhi karaan iyagoo wada-jir ah.”

Salaanmedia.com

Hargeysa/Somaliland.