Af-hayeenka Xisbiga Wadani Laantiisa Denmark Oo Cambaareeyey Kulankii Dhexmaray Faysal Ali Waraaabe Iyo Madaxweynaha Somalia,

Af-hayeenka Xisbiga Wadani Laantiisa Denmark Oo Cambaareeyey Kulankii Dhexmaray Faysal Ali Waraaabe Iyo Madaxweynaha Somalia, Soona Jeediyey In Faysal Laga Mamnuuco Ka Qaybgalka Wada Hadalka Soo Socda Ee Dhex-maridoona Somaliland iyo Somalia.   

wadani6

 
Copenhagen: Waa wax laga xumaado in Qadiyada Qaranimo ee Somaliland Masuulkii loo igmaday in uu taabo galiyo uu isagii dhabarka ka jabiyo. Kulankii qarsoodiga ahaa ee Faysal uu la yeeshay Madaxweynaha Somalia ma aha mid uu ku metelaayey Qaranka Somaliland iyo Shacab weynihiisa, waxa uu ahaa mid isaga u gaara. Dad weynaha Reer Somaliland waxa ay Masuuliyiinta Xisbiga UCID marti-uga-yihiin in si aan madmadow ku jirin ay u soo bandhigaan wax yaalihii shirkaa lagaga wada hadlay. Marka laga eego dhinca sharciga iyo Distoorka Somaliland u yaala waxa kulankaasi noqonayaa Shirqool iyo Khiyaamo qaran oo lagula kacay Qaranka Somaliland.
Gudoomiye Faysal maaha markii ugu horaysay ee uu shirarka noocan oo kale ah kaligii lagalo madaxda Somalia, waxa jirta in uu kula kulmay Magaalada London Wafti heer wasiir ah oo ka socda Dawlda Somalia muddo iminka laga joogo hal sano, Waxa kale oo jirtay in Madaxweynihii hore ee Somalia Sheikh Shariif uu kula kulamay wadanka Imaaraad Carabta. Kulamadaas oo dhan ilaa iyo iminka lama oga wax yaalihii ay Faysal iyo Madaxda somalia ka wada hadleen. Waxa Somalidu ku maahmaahdaa (KAADI BADANE WAA LOO GOGOL BADIYAA). Waxa la gaadhay wakhtigii laga tashan lahaa siyaasada Qar-iska-xoorka iyo Is-iibinta shakhsiga ah ee Faysal ku mamay. Waxaan u soo jeedinayaa, kulana talinayaa Golayaasha Qaranka, Xukuumada iyo Golaha dhex ee Xisbiga UCID in Faysal anshaxa la mariyo oo laga xayuubiyo Xilka Gudoomiyenimo, isla markaan laga mamnuuco ka qaybgalka shirarka soo socda ee dhex-maridoona Somaliland iyo Somalia.   
 
Af-hayeenka Xisbiga Wadani Laantiisa Denmark.
 
Osman Abdillahi Sool…… Sooldhuub@hotmail.com