ayaaryahan Muslim ah oo diiday inuu khamri saaxiibadiisa ula dabaal dego munaasabadii farxadda koobka(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Kadib markii ay kooxda Bayern Munchen hanatay koobkii horyaalka jarmalka ayaa waxay bilaabeen taageerayaasha iyo cayaartoyda kooxda sida caadada u ahaydba inay u dabaal dagaan farxaddii koobka u soo hoyatay.

Waxaa ka mid ah ciyaartoyda kooxda ugu caansan ciyaaryahanka rer France Frank Ribery oo ah ah cayaaryahan muslim ah, kuna dhaqma diinta markii ay bilabatay xafladda dabaaldega ayaa ka cararay si aysan u gaarin khamriga xoortiisa, asagoo ixtiraamayo diinta Islaamka, laakin ma uusan ku guuleysan, ugu dambeyntii orod dheer kadib ayaa saaxiibadiisa waxay la heleen fursad waxayna ku daadiyeen qamri fara badan, asagoona raali ka ahayn falka ay kula keceen.

Salaanmedia/Mogdisho