Badhasaabka Gobolka Gabiley Oo Xadhiga Ka Jaray Xafiis Cusub Oo Ay Yeelan Doonto Waaxda Qorshaynta Dawlada Hoose ee Degmeda Gabiley.

Xaflaan xadhiga lagaga jarayay xafiiska waaxda qorshaynta dawlada hoose ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay xoghayaha fulinta dawlada hoose …..

Gabiley(SM)-Gudoomiyaha gobolka gabiley mudane yuusuf Ibrahim geedi ayaa manta xadhiga ka jaray Xafiis cusub oo ka kooban laba qol oo ay yeelanayso waaxda qorshaynta dawlada hoose Ee Degmeda Gabiley.

Xafladan xadhiga lagaga jarayay xafiiska waaxda qorshaynta dawlada hoose ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay xoghayaha fulinta dawlada hoose mudane cabdiraxmaan nuur abokor oo sheegay in xafiiskani wax badan ku soo kordhiyay dawlada hoose kadibna waxaa hadalka qaatay maayarka magaalada gabiley mudane shucayb maxamed muuse oo isna halkaa ka sheegay ahmiyada waaxda qorshayntu u leedahay dawlada hoose ee gabiley gebegebadiina waxaa xadhiga ka jaray gudoomiyaha gobalka gabiley mudane yuusuf ibraahim geedi

Xafiiskan waaxda qorshaynta ayaa hada shaqaynayay muddo ku dhaw sided bilood waxaanu wax badan ku soo kordhiyay waxqabadkii dawlada hoose ee gabiley iyo iskuxidhka hayadaha caalamiga ah.

Agaasimaha waaxda qorshaynta Cabdi qani nuux ibraahim oo ah aqoonyahanka ugu dada yar saraakiisha dawlada hoose isla markaana kamid ahaa ardaydii ka qalinjabisay jaamacada hargaysa ayaa ka warbixiyay doorka xafiiska waaxda qorshayntu ka qaato hawlaha dawlada hoose ee gabiley waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “farxad ayay noo tahay manta in waaxda qorshaynta dawlada hoosee gabiley inay yeelato xafiis ay ku shaqayso waaxdan qorshaynta dawlada hoose waa waax ku cusub dawlada hoose haatana mudadii aanu shaqaynaynay waxaanu soo kordhinay wax badan waxaananu dajinay qorshihii shanta sano ay ku shaqayn lahayd dawlada hoose runtii waaxdan qorshayntu waa furaha ama maskaxda dhaqaajinaysa hawlaha dawlada hoose somaalidaa tidhaaa xog la helyaaba talo la hel markaa waxaanu soo uruurinaa xogta baahiyaha degmada deegaanadeeda kadib waxaanu ku salaynaa qorshaha horumarinta dawlada hoose” Ayuu Yidhi.

Salaanmedia/Gabiley