Col.Cumar Maxamed Nimcaale oo ka mid ah ruug cadaayada Somaliland Oo Si Adag Ugu

image

Col.Cumar Maxamed Nimcaale oo ka mid ah ruug cadaayada Somaliland Oo Si Adag Ugu Jawaabay Xasan Sheekh

Col.Cumar Maxamed Nimcaale oo ka mid ah ruug cadaayada Somaliland, ayaa madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh ku tilaamay nin colaad u horseedaya dadka Somalida ah, isla markaasna ka xumaaday damaashaadka Somaliland.

Cor.Cumar Maxamed waxa uu xukuumadda ku tahniyadeeyay go’aanka adag ee ay ka qaadatay in hawada Somaliland loo gacan galiyo Somaliya, waxaanu talooyin ku soo jeediyay in meel layska dhigo walaaltinimada isla markaasna la’la xisaabtamo Somaliya.

Waxa uu sidan ku sheegay Cor.Cumar Maxamed waraysi uu siiyay weriye Axmed-Heelo, oo ka tirsan tilifishanka HCTV, waxaanu waraysigan oo dheeraa baaq ugu diray in madaxweynaha Puntland uu faraha kala baxo xuduuda Somaliland.

Ugu horayntii Cor.Cumar Maxamed oo la waydiiyay sida uu u arko hadalkii uu madaxweynaha Somaliya ku soo beegay xuska 18 may, waxa uu yidhi “Hadaladaas uu ku hadlay Xasan Sheekh aad baa looga hadlay waana laga xumaaday waxaanu ogaan ugu soo beegay iyada oo damaashaad loo dhigaayo oo loo dabaal dagaayo maalintii xoriyada ay Somaliland, aad ayay dadkeenu arinkaas uga hadleen markay ka hadlayeen waxaan waayay mid kaliya oo yidhaahda madaxweynaha Somaliya mid waliba waxa uu lahaa Xasan Sheekh Maxamed, taasi waxay ku tusaysaa xumaanta ay arinkaas u qaateen, waxay filayeen inuu tahniyadeeyo ama wasiiro uu soo diro sida wadamada jaarka ah ee wasiirada soo diray.Waxa uu yidhi gobalada waqooyi waxaan filayaa inay dhibayso inuu yidhaado Somaliland kumanaankii dhintay iyo waxii burburayba wax yar ayuu ka dhigay, midnimada Somaliya soo gala ayuu yidhi, waa wax laga wada xumaaday, waa uu is qiimo jabiyay wax uu madaxweyne ku hadlana maaha.waxan hadalka ku soo koobayaa waxba muu tarin ee colaad ayuun buu labada dal u sii siyaadiyay waxaanad hor istaagay in mustaqablaka labada dal ay wax wada qabsan karaan.”

Cor.Cumar Maxamed Nimcaale waxa uu jawaab kulul u diray madaxweynah Puntland Cabdiraxmaan Faroole “ Faroole waxaan si gaar ah u leeyahay faraha ha kala baxo arimaha Somaliland hana ka shaqeeyo inay dadku is dhex galaan oo ay walaaloobaan taas oo ka wanaagsan in niyad xumo lagu wada noolaado, anigu waxaan kula talinayaa madaxweynaha Somaliland haddii uu doonayo Faroole inuu sanaaduuqda doorashada keeno meelo ka mid ah Somaliland waxa inagu waajib ah in dagaal lagu qaado oo waliba sida aduunka kale yeelo Garoowe la qabsadaa, waana la qabsan karaa.”

Cor.Cumar Maxamed oo la su’aalay sida uu u arko go’aanka Somaliland ka qaadatay in hawadeeda lagu wareejiyo Somaliya waxa uu yidhi “Anigu dawlada waan taageeraa marka ay qaadato go’aanada adag ee ah waar far hay saarin haddii kale toban ayaan ku saari doonaa, wasiirka iyo madaxweynahana waan ku tahniyadeeyay go’aankaas ay qaateen, dalkan inaga ayaa leh koonfurina shuqul kuma laha, go’aanka diyaaradahan heshiiskiisa iyaga ayaa reer Somaliya jabiyay sida ay kuwii lixdankiiba u jabinayeen.”

Ugu danbayntii waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday Col.Cumar Maxamed Nimcaale sidan“ Waxa weeye aynu iska ilawno walaaltinimadooda oo shirkaas inaga dhaxeeya ee Turkiga addunka oo dhan u sheega oo dhaha waanu wada hadlaynaaye oo waanu imanaynaaye laakiin ha soo xaadireen EU,Dawladaha Islaamka, maxkamada sare ee aduunku ha timaado oo halaysku kaayo dhagaysto 11 sanadoodna waynu dagaalamaynay 22 sanadoodna waynu sii kala maqnayn, markaas uu madaxweynu saaraa gudi rag aqoon yahano ah oo taariikhda garanaaya wasiirka arimaha dibaduna uu hogaaminaayo, laba nin oo sharci yaqaano ahna lagu soo daro iyo labada nin ee la yidhi hada ayay u ololaynayaan qadiyada Somaliland, hala ururiyo labadaas bilood waxii aynu ku difaacaynay sheegashada nimankaas, hana la sameeyo buug yar oo inaga waramaaya waxay inoo gaysteen iyo in aanay jirin qodabo sharci oo aynu ku midawnay.”