Daawo Sawirada Hotelka ugu Quruxda Badan Hoteelada Muqdisho iyo Goobo loo Dalxiis tago oo Muqdisho laga hir galiyay

Daawo Sawirada Hotelka ugu Quruxda Badan Hoteelada Muqdisho iyo Goobo loo Dalxiis tago oo Muqdisho laga hir galiyay  

Degmada Dayniile oo kamid ah Degmooyinka Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, waxaa bilihii u danbeeyay ka bilowday dib u dhis xoogan, sidoo kale waxaa Degmada kusoo qul qulaya maalinba maalinta ka danbeysa dad aad u badan, kuwaasi oo Ka Imaanaya qurbaha oo Xiiso u qaba in ay ku Soo Dalxiisaan dhulkooda Hooyo.

Sidoo kale Degmada Dayniile ayaa Nooqnaysa Meelaha loo Dalxiis tago kadib Markii Degmadaas laga Hirgaliyay Mashaariic aad u balaraan iyo Hotelo Casri ah iyo Waliba meelo Aad iyo aad u Qurxoon oo Indhaha ruuxa Bini Aadanka ah soo Jiidanaya

Hadaba Meelaha loo Dalxiiis Tago ee Dagmada Dayniile ayaa Waxaa inuu suuragashay in aan Sawiro kasoo Qaadno si aan Shacabka Soomaaliyeed Kuwooda Dalxiiska u tagaya Magalada Muqdisho ee u soo booqdaan goobahaan Laga Hirgaliyay Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Maxamed Cali Jiisow oo ah Milkiilaha Goobtaan loo soo Dalxiis Tago ayaa Mar aan wax ka waydiinay Sida uu Dareenkiisa Yiri “waxaan aad u jecleystay in aan maalgalin ku sameeyo dalkayga hooyo waayoo meel ii dhaanta ma jirto dalkeyga qurbo waan soo arkay Maantana waxaan jeclahay In aan Maal galiyo dalkayga jooyo ee Soomaaliya“

Sidoo kale Mudane Maxamed Cali Jiisow Ayaa Sharaxaad ka Bixiyay qeebaha Kala duwan ee Dhismooyinkaan wuxuuna Yiri :

“Waa qeyb aad u baaxad weyn Sida daaqsinka iyo biyahay waxayna leedahay baqaaro waaweyn oo wax loogu keydiyo xoolaha iyo dadkaba qeybtii dhar dhaqida ee hotelka waxaa kale oo ku yaal warshadii barafka oo iyadu aan ka dhaweyn deegaank auu ku yaal hotelku waxaa kale oo ku yaal warshada lagu farsameeyo bulukeetida dhismaha guryahay lagu dhiso sidoo kale waxay leedahay warshada alxanka guryahay iyo gaadiidka waxaa kale oo ku yaal garoon lagu cayaaro kubada cagta iyo mid kale oo kubada koleyga ah“

Wixii Faah faahin ah ee Aad ugu Baahato Goobaha loo Dalxiis tago ee Dagmada Dayniile Kala Soo Xariir Maamulka sare

Salaanmedia/Mogdisho