Daawo Sawirada Kulankii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uk iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay ka Dhacay London!!

Daawo Sawirada Kulankii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uk iyo Madaxwaynaha Dalka Soomaaliya oo xalay ka Dhacay London!!  

Waxaa Xalay lagu qabtay magaalada London Munaasabad ballaadhan oo ay kasoo qeybgaleen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Londan iyo gobolada kale ee u dhow, taasoo lagu soo dhoweynayay wafdiga uu hoggaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo London ugu qeybgalay shirkii arrimaha Soomaaliya lagu taageerayay.
Furitaankii munaasabadan ayaa waxaa khudbado gaaban ka jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo jaaliyada Soomaaliyeed ugu baaqay iney dalkooda dib ugu laabtaan si ay dib u dhis ugu sameeyaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa iyaduna ka hadashay iyadoo u mahad celisay gudigii soo qaban qaabiyay xafladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee kasoo qeybgalay.

Fowsiyo Yuusuf ayaa ka hadashay xidhiidhka ay caalamka la leeyahay Soomaaliya waxa aynta xustay in lagu guuleystay arrimo badan oo ay ka mid tahay ka qaadista cuna qabateynta hubka Soomaaliya iyo siyaasadda arrimaha dibada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheeekh Maxamuud oo la hadlayay caawa jaaliyadda Soomaaliyeed ee Londan ayaa sheegay in midnimada iyo dowladnimadii Soomaaliya ay maanta ku jirto gacanta umadda Soomaaliyeed, loogana baahan yahay iney xoojiyaan.

Wuxuu Madaxweynaha sharaxaad gaaban uu ka bixiyay guulaha siyaasadeed ee dowladdiisa ka gaartay siyaasadda dibadda iyo shirarkii loo qabtay Soomaaliya oo ugu danbeeyay shirkii Londan ee 7-da bishan Londan ka dhacay, kaasoo uu sheegay in Dowladdu ku gaartay guul taariikhi ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Ingiriiska diyaar u tahay sidii ay ugu qeyb qaadan laheyd samata bixinta dalka, sida ay ugu guuleysatay in ay nabad ku soo dabaasho wadamo badan oo ay ka dhacday dowladdo La’aan isagoo tusaale u soo qaatay Siraliyoon.

Madaxweynaha ayaa si qoto dheer ugu hadlay Lixda Tiir ee Dowladda uu hoggaamiyo tiigsaneyso, wuxuuna tilmaamay in dowladnimada iyo nidaam ka hirgala dalka uu kow ka yahay helidaanka amni, taasina ay muhiimad gaar ah u siisay Dowladda sidiisa iney xoojiso wax ka qabashada amaanka.

Xasan Sheekh wuxuu Jaaliyadda Soomaalida ee Ingriiska ka codsaday in xooggooda ay isugu geeyaan taageerada dadka Soomaaliyeed iyo Dowladooda si loo helo umad wax qabsan karta, beesha caalamkana ay taageerto.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in billaha soo socda ay ku mashquuli doonaan sidii wax looga qaban lahaa gudaha dalka, isagoo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay ku nool yihiin iney ugu tegi doonaan si loogu kuur galo xaalada dadka deegaanadas ku dhaqan.

“Ujeedadeena iyo hadafkeena waa in aan aragno Soomaaliya oo mid ah iyo Soomaaliya oo amni ahaan, dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan u degan, wax ka sokeeyo oo aan daneyneyno ma jirto, waxaana jecel nahay inaan aragno Soomaaliya oo la isku xero cirifka waqooyi ilaa Raas Caseyr iyo Raas Kambooni xiliga dhow” ayuu yiri Madaxweynaha mar uu ka hadlayay wada jirka iyo midnimada Soomaaliyeed.

Habeen danbe ayaa sidoo kale la filayaa in Madaxweynaha uu ka qeybgalo xaflad noocaan ah oo qeyb ka mid ah Jaaliyadda ku nool gobolada kale ee UK u qabato.