Daawo Sawirada Madaxwayne Xasan Sheekh oo shir saxaafadeed ku dul qabtay Kaluunn badan oo ay leedahay Somali National Fishing Company

Daawo Sawirada Madaxwayne Xasan Sheekh oo shir saxaafadeed ku dul qabtay Kaluunn badan oo ay leedahay Somali National Fishing Company  
Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya oo maanta booqday warshada kaluunka dhoofisa ee Somali National Fishing Company, isaga oo khudbad dhaxal gal ah ka jeediyay.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in wadamadii dalka sharci darada uga kaluumeysan jiray lala xisaabtamaayo, kuwa hada boobayana ay isku dayayaan in ay ka joojiyaan dowladuna ay ku raad joogto kuwii sunta ku shubay biyaha Soomaaliya.

Waxa uu shaaciyay in dowladu ku tala jirto in ay qaboojiyaal xeebaha Soomaaliya oo dhan ku rakito si kaluumeysatadu ay kaluunka ay soo dabtaan ku heestaen ilaa suuqa ay ka geynayaan.

Madaxweynuhu waxa uu ku cel celiyay , “Soomaaliya xilligii laboobi jiray waa ka soo gudubtay”.

Somali national fishing company waxa ay 15 xarumumood ku leedahay koofurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, iyada oo ay leeyihiin Saamileey Soomaaliyeed.

Waxa ay Kaluunka u iibgeysaa wadamo badan oo uu kamid yahay dalka Turkiga.

 

Salaanmedia/Mogdisho