Daawo Sawiro Dheeraad ah Dhacdadii Shalay London ka dhacday iyo Madaxda Ingiriiska oo Maanta kulan Deg Deg ah ka yeelaneysa dhacdaasi

Waxaa Maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in Kulan Deg deg ah yeeshaan guddiga amaanka Qaranka Ingiriiska si ay uga arinsadaan dhacdadii shalay lagu dilay Askari katirsan Ciidanka Milatariga Dalkaasi oo lagu dilay Magaalada London.

Labo Nin oo la rumeesan yahay in ee Yihiin Muslimiin ayaa Midiyo iyo Faasas ay wateen waxa ee ku dileen Askari katirsan Milatariga Ingiriiska xili uu kasoo baxay Xero Ciidan oo kutaala xaafada Woolwich ee koonfur-bari magaalada London .

Labadan Nin ee midiyaha iyo Faasaska watay ayaa si bareer ah Askarigaasi u dilay xili ee dad badan daawanayeen ayna ka qaadayeen Muuqaalo iyo Sawiro waxa eyna Ragan Askariga dilay iyaga oon cabsi ka muuqan ku dhawaaqayeen in ay u aargudayaan Dadka Muslimiinta ah ee maalin kasta ee laayaan Reer Galbeedka falkana uu yahay mid aargoosi , afkoodana waxaa kasoo baxay Takbiir Alaahu Akbar..

Ciidamada Booliiska oo Daqiiqado yar kadib goobta soo gaaray ayaa la arkayay labadan Nin ee Dilka geestay oon wax cabsi ah ka muuqan iskuna dayin in baxsadaan balse mar kale isku dayeen in ee weeraraan Ciidanka Booliiska oo ugu dambeyn halkaasi labadan nin ku dhaawacay.

Guddigan oo loo yaqaan COBRA oo qaabilsan arrimaha Amniga ee deg dega ah ayaa waxaa maanta guddoomin doona Raysalwasaaraha Ingiriiska David Cameron. Si ay uga hadlaan Dhacdadii shalay ka dhacday xaafada Woolwich ee koonfur-bari magaalada London .

Dowlada Ingiriiska ayaa falkii shalay dhacay ku tilmaantay mid argagaxispo ah laguna sameyn doono baaritaano dheeraad ah , dhacdadan London ka dhacday Shalay galab ayaa si weyn looga hadal hayaa Dalka Ingiriiska iyo guud ahaan Caalamka.

Xafiiska Shabakada

Salaanmedia/London