DADKU WAXAY RIYOODAAN MARKAY HURDAAN,DAWLADA SOOMAALIYANA WAXAY RIYOONAYSAA IYADOO SOO JEEDA!.

DADKU WAXAY RIYOODAAN MARKAY HURDAAN,DAWLADA SOOMAALIYANA WAXAY RIYOONAYSAA IYADOO SOO JEEDA!.

image
Bahda  saxaafada Iyo akhristayaashaba waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka ASCW. Intaa ka dib waxaan qalinka u qaaatay in aan  wax ka idhaahdo riyada ay Soomaaliya  ku jirto sida lawada ogsoon yahay dadku  waxay riyoodaan marka ay hurdaan oo kaliya laakiin waxa muuqata in Dawlada Xamar ee taagta daran ay riyoonayso iyagoo soo jeeda Waa yaab!
Waxa warbaahinta caalamku aad u buunbuunisay shirkii 7may loogu qabtay sidii  dib loogu dhisi lahaa Dawlada Soomaaliya  halkaas oo ay ka soo qayb galeen Wadamo badan oo ku dhaw 52 Dal.Shirkaas oo  ujoodooyin badan lahaa hase yeeshee caalamka loo tusayay Sidii dib u dhis loogu samayn lahaa oo  dhaqaale loogu ururin lahaa Dawlada tamarta daran ee Muqdisho ka talisa.Shirkii wuxu furmay wakhtigii loogu talagay waxaanu dhamaaday wakhtigii loogu talagalay.
Waxa Xusid gaar ah mudan in Caalamka oo dhami isku dayeen in Dawlada Jamhuurirada Soomaaliland ka Soo qayb gasho Shirka H/yeeshee Dawlada S/land ay ka qaadatay Go aan ay shacbiga S/land ee gudaha Iyo dibadaba joogaan ay ku diirsadeen ka dib markay ka dhex arki wayday in danteedu ku jirto  uguna muuqatay in shirkani Khuseeyoo Soomaaliya oo kali ah.Waa go aan taariikhi ah oo oo aan leeyahay Hambalyo.Hadaba akhistayaal wali waxa socda Dabaaldegyadii shirkii loo qabatay Dawlada Soomaaliya oo loogu yaboohay Qadar lacag oo loogu talagay dhismaha Wadanka Soomaaliya Lacagtaa oo ay Maamulayaan Wadamada reer Galbeedlu.Mar Uu madaxweynaha Dawlada Muqdisha la hadlayay warbaahintana Wuxu u hadlay  si daciifno ah oo aan meeqamkii madwayne ahayn.Hadaladiisiina waxa ka mid ahaa  na caawiya, na gargaara oo na maal-gashada, oo naga ilaaliya kuwa doonaya inay na kala daadiyaan”.Halkaasna waxa ka muuqata daciifnimada Iyo waxmataramimo  la’aanta Dawlada Muqdisho.Intaa
Waxaan   Ku darayaa meeshii uu shirku ka socday waxa ku hor Mudaharaadayay dad  badan oo sitay boodhadh ay  kaga soo Horjeedaan Madaxweynaha Iyo Maamulka Tamarta Yar ee Muqdisho.Halkaas oo ay ka cadahay sida  maamulka soomaaliya u kala qoqoban yahay oo uu yahay maamul ku kooban Muqdisho .si kastaba arintu ha u dhacdee Qaranka soomaaliland oo loo dabaaldageyo la soo noqoshada  Qaranimadiisii  sanakii 22 aad 18/05/2013.
Waxa guul wayn u ah in aanay ka qayb gali shirkaas, taasina waxay u noqotay in Sumcad aduunkii oo dhan Kaga helo oo aad loo soo dhaweeyo iyadoo ay Wadamo  badani diyaar u yihiin sidii ay u maalgashan lahaayeen ka dib markii ay arkeen kala  danbaynata Iyo xasiloonada  ka jirta.
Bal aan eegno Dawladaha reer galbeedka Iyo Marakyakanka Qorshohooda qarsoon ee ay ka leeyihiin Soomaaliya,akhriste Qorshahaasi ma qorshihii Ciraaq Iyo afkaanistaan ka lahaayeenba Wadamada reerGalbeedku Mise  wuu ka duwan yahay?

Mustafa ismail Ahmed (Kanadi)