Dagaal Al-Shabaab iyo Ciidamada Kenya ku dhexmaray Duleedka Degmada Dhoobley Gobolka Juabada Hoose.

Dagaal Al-Shabaab iyo Ciidamada Kenya ku dhexmaray Duleedka Degmada Dhoobley Gobolka Juabada Hoose.

Dagaal(4)
Dhoobley(SM)Waxaa xalay uu dagaal ku dhexmaray  degmada Dhoobley ee gobolka J/hoose ciidamada Kenya ee magaca AMISOM ku jooga halkaas iyo kuwa Al-shabaab, iyadoo dagaalkaasi uu xoogiisu ahaa mid laga maqlaayay Magaalada Kismaayo.
 
Dagaalkaasi ayaa la sheegay inuu bilowday markii Maleeshiyaadka  Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada Kenya ku leeyihiin isgoyska la yiraahdo Jakshan oo illaa 40-km ka baxsan degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose.
 
  
Dagaalkaas ayaa la  isku adeegsaday hubka noocyadiisa duwan, iyagoo isku garaacay madaafiic u badan kuwa hoobiyeyaasha ah, lamana oga illaa hadda khasaaraha dagaalkaas ka soo gaaray dhinacayadii dagaalamaayay.
 
 
Ma jiro ilaa iyo iminka war ku saabsan dagaaladii xalay oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Kenya iyo kuwa Al-shabaab, hase yeeshee  waxaa degan saakay nawaaxiga goobihii xalay lagu dagaalamay, iyadoo ciidamada Kenya ay wadaan baaritaano ay doonayaan inay ku ogaadaan halka ay ku sugan yihiin kooxihii Ciidamadooda soo weeraray.

Salaanmedia/Hargaysa