Dawlada Qatar oo mashariic ka fulisay Hargaysa

Wasiirro Furay Mashaariic ay Hargeysa ka Hirgelisay dawlada Qatar

May 8th, 2013 Comments Off

Hargeysa (Salaanmedia)-Wasiirada Diinta iyo Aw qaafta sh.Khaliil C/lahi Axmmed, ayaa maanta ka qayb galay Mashaariic ay furayeen Wefti ka socda Wadanka Qadar oo Booqasho ku jooga Caasimada Hargaysa.

Wasiirka oo ay Weheliyaan Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta Dr,Sacad Cali shire,Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Maxamuud Axmed Barre (Garaad) iyo Madaxda ka socota Hay’adda ra’fa ee Dalka Qadar ayaa furay Jaamacadda Beder ee Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Diinta iyo aw-qaafta Sh.khaliil C/llahi Axmed, oo ka hadlay munaasibadda furitaanka Jaamacada Beder waxa uu ugu horayn uga mahad celiyey madaxda hay’ada Samafalka islaamiga ah ee dalka Qadar ee Ra’fa wax-qabadka dhinaca wax-barashada ee ay dalka S/land ka hir geliyeen, waxaanuu xusay inuu rajaynayo in Jaamacada beder ay noqon doonto mid lagu guulaysto himiladii loo Aasaasay.


Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire Iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md Maxamuud Axmed Barre (Garaad), oo iyana halkaa ka hadlay ayaa si weyn u soo dhoweeyey wax-qabadka hay’adda Raafa ee ay ka mid tahay Jaamacada Beder.waxaanay tilmaameen inay talaabada hirgelinta Jaamacadani ay tahay wax-tar weyn oo qiimo weyn ugu fadhiya Somaliland.

Madaxa Hay’adda Raafa Maxamed Saalax Ibraahiim oo isna halkaa ka hadlay ayaa waxa uu ugu horayn mahad-naq ujeediyey M/weynaha Somaliland iyo shacabka iyo madaxda sida wanaagsan ee ay ugu soo dhoweeyeen dalka Somaliland, waxaanuu tafaasiil ka bixiyey hay’ad ahaan wax-qabadkooda oo ay ka mid tahay Jaamacada Beder oo ay maal-geliyeen. Waxaanuu xusay inay halkaa ka sii wadi doonaan taageeradooda iyop taakulaynta ay dalkan ka gaysanayaanba.