Dhallinyaro lagu xukumay denbiyo argagixisnimo

Afar qof oo asalkoodu Soomaali yahay ayaa lagu xukumay xabsiyo kalal geddisan, gobolka Minnessota ee dalka Maraykanka, ka dib markii lagu helay inay gacan siiyeen al-Shabaab.

shabaab

Dhalinyaradaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay Cumar Cabdi Maxamed, Abdifitaax Yuusuf Ciise, Saalax Cusmaan Axmad, iyo Axmad Xusseen Maxamuud, waxa lagu xukumay xabsiyo u kala dhexeeya min saddex ilaa laba-iyo-toban sano.

Cumar Cabdi Osman oo lagu sheegay in uu ahaa hoggaamiyaha olole dad loogu qorayey al-Shabaab, dadkaasi oo laga soo dhex uririnayey jaaliyadaha Soomaalida ee Mararaykanka dhexdiisa, waxa isaga lagu xukumay 12 sano. Saddexda kale oo lagu helay inay qaadhaan lacageed u ururin jireen al-Shabaab iyo tikidhada lagu dhoofinayo dadka la rabo inay ka qayb galaan dagaallada Soomaaliya, waxa lagu xukmay min saddex sano.

Dhallinyaradani oo la sheegay inay xidhiidh la lahaayeen ururka al-Shabaab laga soo bilaabo sanadihii 2007dii, waxay ka mid yihiin ilaa labaatan qof oo la raadinayey, lana rumaysan yahay in qaarkood ay u socdaaleen Soomaaliya, qaar kalena laga yaabo inay ku dhinteen dagaallada uu dalkaasi ka wado ururka al-Shabaab. Waxa kale oo la sheegay in dhallinyaradani ay maxkamadda horteeda ka qirteen debiyadan, iyo in qaarkood ay tegeen Soomaaliya, kuna soo tababarteen xeryaha al-Shabaab.

Gobolka Minnessota waxa deggan jaalliyadaha ugu ballaadhan qawmiyadaha Soomaalida ee dalka Maraykanka.

Xigasho bbcsomali