Dib u habeeyn iyo Qaabdhismeedka Ururka Haweenka DDSI ee Uk

 

Shir Balaadhan oo Dib Loogu Habeeyay Qaabdhismeedka Ururka Haweenka DDSI ee Uk Laguna Dardargalinayay Waxqabadkooda Ayaa Ka Dhacay Gudaha Safaarada DFI ku Leedahay London(Uk).

London(SM) Sabti may 11,2013.Taariikhdu markay ahayd 7.5.13 ayaa ayaa Shir balaadhan oo lagu Dhamaystirayay Qaabdhismeedka Ururka Haweenka DDSI ee Uk uu ka dhacay Gudaha Safaarada DFI ay ku leedahay London islamarkaana ay ka soo Qaybgaleen Gudoomiyaha Jaaliyada Guud ee Uk Dr Nuur Xuseen oo ay Wehelinayeen Xubno ka mida Hogaaminta jaaliyada iyo Dhamaanba Haweenka ka soo Jeeda 9ka Gobol ee DDSI iyo Maamulka Diredawa ee ku dhaqan Cariga Ingiriiska Gaar ahaan London.

Gudoomiyaha Jaaliyada Guud ee DDSI ku leedahay Uk Dr Nuur Xuseen oo Dhawaan bedelay maamulkii hore ee jaaliyada uk ayaa dardar xoogan garliyay sidii ay waxqabad muuqda uga Qaadan lahaayeen Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban dhamaanba ururada Bulshada ka soo jeeda DDSI ee ku dhaqan Sida Ururka Dhalinyarada Uk oo Dhawaan lagu sameeyay Dibuhabayn Qaabdhismeedkiisa iyo Ururka Haweenka oo Shirkan lagu Dhamaystiray Qaabdhismeedkiisa. Hadaba Dr Nuur ayaa Haweenka ku booriyay in ay waajib tahay in Haweenka ka soo jeeda DDSI ee ku dhaqan Guud ahaan Dalalka Dibada gaar ahaan Uk ay ka qaybqaataan Horumarka,N/galyada,maamulka Suuban iyo wacyigalinta Bulshada haday jiraan qaar ay marin habaabiyeen Nabaddiidka UBBO ee 4 ka mid ahi ku soo hadheen Dibadaha,ka dibna idmay in la soo bandhigo waxqabadkii Ururka Haweenka.

ka dib markii la dhagaystay warbixinta Waxa qabsoomay iyo waxaan qabsoomin aadna loo Gorfeeyay ayaa ay Gudoomiyihii Ururka Haweenka Marwo sacdiya Cabaas Nuur ay Shirka ka soo Jeedisay Rabitaankeeda in ay iska casisho jagada Gudoomiyaha Haweenka sheegtayna in aynan sii wadi karin oo ay rabto Nasasho iyo dhamaystirka dano u gaara siday sheegtay.

iscasilaada Sacdiya lagama Aqbalin oo aan dheg jalaq loo siin ka dib ayaa ay Haweenkii ku sugnaa Shirka ay Galeen Doorashada Cida Hogaamin Doonto wakhtiga Dibucurashada Ururka Haweenka DDSI ee UK iyagoona Mar 2aad u Doortay Sacdiya cabaas Cumar jagada Gudoomiyaha Ururka Hawaeenka DDSI ee Uk in ay Sii hayso halka Gudoomiye kuxigeenka 1aad loo doortay Nimco Badal Cumar,halkaa waxaa ka muuqda in ay Sacdiya ahay Qof u hagarbaxayay danaha Deegaanka iyo Shacabka. Sidoo kale waxaa la doortay Dhamaanba Xubnaha Gudiga Fulinta Ururka Haweenka DDSI ee Dalka Uk iyo kuxigeenada laamaha waaxaha waana kuwan hoos ku qoran.

1-Sacdiya Abass Omar ( Gudomiyaha ururka haweenka) 2-Nimco Bedel Omar ( Gudomiye kuxigeenka kowaad) 3-Xalimo Mawel ( Gudomiye kuxigeenka labaad)

-Xoghayn ( Secretary)

4-Siciido Ali Xoghaynta Guud

5-HodanIsmail Saynab Abdullahi

-Lacaghaye (Tresurer)

5-Fardowsa Mohamud Haybe Madaxa Kooxda

Nassin Hassan Badhi

Safiya Osman

-Afhayeenka (Public Relations)

6-Ifrah Abdulrahman

Sacdiyo Ahmed Rabi

Fadumo Mohamed

-Xidhiidhka Jaaliyaadka Gobolada (Liaison Officers)

7-Khadra Dhimbiil Madaxa Kooxda

Fardowsa Jamac Dhagood

fosiya cumar dakhare.

Barliin Mohamed –

-Dhaqanka iyo wacyigalinta

8-Ugaaso Mowlid Madax Kooxda

Jawahir Aden Jerjeer

Ubah Muhamud

9-GUDIGA LATALINTA: 1-Qamar sheikh xasan 2-Sucad ali dhuux 3-IStahil xaji siraad 4-Ugaaso mawliid nur 5-Kaltuun c/laahi 6-Amal yusuf xasan qani 7-Sahra osman suldan 8-Khadra cumar 9-Misra abdi hasan. 10.Nimco faarax.

Guud Ahaan Xubnaha GUDIGA FULINTA ee Ururka Haweenka DDSI ee UK ayaa ka kooban 10 xubnood oo kala ah: 1-Sacdiya cabaas cumar 2-Nimco badal cumar 3-Kiin cumar yusuf 4-Xaliimo maaweel 5-Faadumo salaad 6-Khadra dhinbiil 7-Amal yusuf xasan qani 8-Nasiin xasan badhi 9-Kaltuun c/laahi 10- Sacdiya ahmed raabi.

Salaanmedia/London