Dowlada Somalia oo Faah Faahisay ajandayaasha looga doodi doono Shirka ka furmaya London(Daawo Sawirada)

Dowlada Somalia oo Faah Faahisay ajandayaasha looga doodi doono Shirka ka furmaya London(Daawo Sawirada)  
 

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jam.Federaalka Soomaaliya Prof. Xasan Sheikh Maxamuud , kana koobnaa Xubno ka tirsan golayaasha Wasiirada , Baarlamaanka iyo lataliyeyaal ayaaka ambabaxay Magaalada Muqdisho , iyaga oo ku sii jeeda Magaalada London , si ay uga qeybgalaan Shirka caalamiga ah ee ka furmaya Magaaladaasi oo qaban-qaabidiisu ay wada leeyihiin dowladaha Soomaaliya iyo Britain , waxaana si wadajir ah u shirgudoomin doona Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Ra’iisul wasaare David Cameron.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Marwo Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadam ayaa gelinkii dambe ee maanta shir jaraa’id ku qabatay garoonka caalamiga ee Aden Abdulle ee Muqdisho , waxa ayna sheegtay in shirka looga doodi doono wax ka qabashada baahida dowladda Soomaaliya,maal-geshiga, dib u dhiska ciidamada milatariga, booliska , horumarinta adeegyada garsoorka,dib u dhiska wadanka iyo qodobo kale.

Shirkani oo ka furmi doona London 7-da bishan Mey , ayaa waxaa lagu wadaa inay ka soo qeybgalaan Madaxweynayaal , Ra’iisul wasaarayaal, Wasiiru arrimo dibadeedyo, wakiilo kala matala dowlado,ururada caalamiga, kuwa gobolka , kuwa gargaarka , bankiyo,shirkado , maal-geliyeyaal shisheeye iyo kuwa kale .

Madaxweynaha Jam. Federaalka Soomaaliya oo ku hadli doona Magaca qaranka iyo kan shacbiga Soomaaliyeed ayaa la qorsheynayaa inuu ka jeediyo madasha khudbad soo jiidan doonta ka qeybgalayaasha shirkaasi , si loo helo fursado wadanka uu kaga baxo colaada , una gudbo nabad iyo barwaaqo .

Wafdigani ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay gudoomiyaha baarlamaanka, Ra’iisul wasaaraha , Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha ciidamada, agaasimayaal ,diblomaasiyiin , qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha gobolada dalka iyo Xubno kale .

Xafiiska Shabakada Salaanmedia.com
Mogdisho