“Fariin Madaxweyne Siilanyo Kaga Hadlay Shirkii Soomaalida Ee London Iyo Sababta Somaliland Ku Qaaddacday Ka Qeybgalkiisa…”

“Waxaan uga Baahannahay Caalamka Aqoonsiga Xaqiiqada Soo taxnayd Labaatan Sannadood…”

 

“Fariin Madaxweyne Siilanyo kaga hadlay shirkii Soomaalida ee London iyo sababta Somaliland ku qaaddacday ka qeybgalkiisa…”

 

“Waxaan u rejeynayaa wanaag, balse, waxaan diidnay ka qeybgalka kulan indhaha ka lalinaya taariikhdayada iyo xaqiiqada…” Waraysi Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo

London(The Guardian/Somalilandtoday):- “Maaddaama oo aannu u dhow-nahay noqoshada gabboodkii maamul-wanaagga, xasiloonida iyo ammaanka ee geeska Afrika, waxaan u qaabaynayaa mustaqbal ifaya dalkayaga iyo muwaaddiniintiisa. Mustaqbalkaa oo ay ku jiraan xidhiidh wanaagsan oo aannu jaarkayaga Soomaaliya wadaagno. Waxaan si firfircoon u bilownay wada-xaajood sannadkii hore, waxaan la saxeexday heshiis Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, kaasoo caddeynayey dhisitaanka aaminaad iyo wanaajinta xidhiidhka.” Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Sidaa waxa uu ku sheegay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo war uu siiyey Wargeyska The Guardian oo ka soo baxa magaalada London ee dalka Ingiriiska, kaasoo Madaxweyne Siilaanyo wax lagaga weydiiyey sababta ay Somaliland uga qaybgeli wayday shirka shalay Soomaaliya loogu qabtay London oo Somaliland-na lagu casuumay. Sida maqaalka uu The Guardian baahiyey lagu sheegay Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka hadlay arrimo badan oo xiiso leh, xaaladda dalkiisa, aqoonsi la’aanta weli haysata, horumarka dhinacyada nabadgelyada, ganacsiga iyo dhaqaalaha, waxyaabaha dhiman iyo xidhiidhka ay Somaliland la leedahay beesha caalamka iyo dalalka deriska ah.

Haddaba, Maqaalka Madaxweynaha Somaliland Wargeysku ku soo qaatay oo aannu ka soo turjunnay luuqadda Ingiriisida waxa lagu bilaabay sidan:- “Geeska Afrika muddo dheer ayuu ahaa goobaha ugu qalalaasaha badan adduunka, oo lagu tilmaami jiray rabshadaha, cabbudhinta, Abaaraha, Argagaxisada iyo Budhcad-badeedka.” Sidaa waxa lagu bilaabay

Wakhtigan muuqaal rejo ayaa muuqda ka dib konton waddan iyo ururro shalay wada-xaajood ka yeeshay sidii loo taageeri lahaa Xukuumadda cusub ee Soomaaliya inay mustaqbal wanaagsan gaadhsiiso muwaaddiniinteeda. Kulankan heerka sare waxuu muujinayaa sida Soomaaliya beesha caalamku ugu soo jeesatay.

Xukuumadda cusub waxay u baahan tahay taageero sidii ay u dhisi lahayd hay’adaheeda dawladda iyo dhaqaalaheeda burburay. Dib u furashada Safaaradda Ingiriiska bishii hore waxay muujinaysaa sida xasilloonidu tartiib ugu soo laabanayso, inkastoo weerarradii dhowaan ee argagaxisadu ka geysteen Muqdisho muujinayso heerka caqabadaha weli jira.

Somaliland waxay u rejeynaysaa wanaag shirkaa. Korodhka dareenka caalamka, taageerada Soomaaliya iyo guud ahaan gobolku waaa danta qof walba. Balse, dhab ahaan annagoo ka xun, kama geyb-gelayno shirkaas.

Taa macnaheedu maaha annagoo xumaan u hayna Ingiriiska ama Soomaaliya, oo kulankaa la hoggaaminaysa. Ingiriisku waxa uu ahaa saaxiib naf-qeysi leh Somaliland, waaxaana si weyn ugu faraxsan-nahay taageeradiisa hagar-la’aaneed. Waxaan sidoo kale wakhtigan la yeelanaynaa xidhiidh Xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

Balse sababta aan uga qeybgeli weynay shirkaasi waa aqoonsi la’aantiisa martabada la-yaabka ah ee Somaliland taagan tahay ama dedaalkayaga ku waajahan halgankii muddo aan ugu jirnay helitaanka aqoonsi caalami ah. Waan qirayaa inay tan la-yaabi doonaan dhammaan qeybaha aanay cajabin taariikhda murugsan iyo siyaasadaha gobolku.

Somaliland weli waxay rasmiyan ula dhaqantaa hay’adaha caalamku gobol madax-bannaan ee Soomaaliya, balse taasi, waa is-diidsiin taariikh iyo xaqiiqda. Labada waddan waxay kala ahaayeen gaar illaa 1960-kii, markii go’aankii lagu jabay ee la midowga Soomaaliya la qaatay. Xaqiiqdii, waxaan xornimadayada ka qaadannay Ingiriiska ka hor intaan Soomaaliya ka qaadan Talyaaniga.

Midowga oon lagu farxin bilowgiiba, wuxuu burburay wakhtigii rajiimkii Siyaad Barre dagaal toosa ku soo qaaday Somaliland sannadihii 80-aadkii, oo ugu yaraan 50 kun oo qof ku dhinteen. Ka dib markii Soomaaliya burburtay, Somaliland, sannadkii 1991 waxay fursad u heshay inay mar labaad gacan ku qabato mustaqbalkeeda.

Labadii qarni ee tegay, waxaan si weyn uga hawlgalay dhisitaan waddan xasilloon oo dimoqraaddi ah. Waxaan abuurnay hay’adihii dawladda, oo ku ay jiraan Booliiska iyo Ciidammada qalabka sida. Argagxisadu gabbood kama helaan xuduudahayaga. Sidoo kale, Budhcad-badeedku kama hawlgalaan Xeebahayaga.

Illaa sannadkii 2000, waxaan qabsannay shan doorasho oo madaxbanaan, oo caddaalad ah, sida goob-joogayaasha caalamku ku tilmaameen. Xukuumaddayadu waxay bilowday barnaamij waxbarashada aasaasiga oo lacag-la’aan ah Hablo iyo Wiilal. Waxaan horumar ka samaynay yareynta geerida umul-raaca iyo gudniinka fircooniga ah. Maal-gashiga caalamka ee gudaha imanaya ayaa bilaabmay inuu sare u qaado dhaqaalaha dalka.

Dhab ahaan, weli waxa jira caqabado u baahan in laga gudbo. Somaliland weli dhaqaale badan ma hayso, waxay qaadanaysa wakhti sidii aan uga soo kaban lahayn mushkiladaha xasuuq ee na soo maray. Laakiin, maaddaama oo aannu u dhow-nahay noqoshada gabboodkii maamul-wanaagga, xasiloonida iyo ammaanka ee geeska Afrika, waxaan u qaabaynayaa mustaqbal ifaya dalkayaga iyo muwaaddiniintiisa. Mustaqbalkaa oo ay ku jiraan xidhiidh wanaagsan oo aannu jaarkayaga Soomaaliya wadaagno. Waxaan si firfircoon u bilownay wada-xaajood sannadkii hore, waxaan la saxeexday heshiis Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, kaasoo caddeynayey dhisitaanka aaminaad iyo wanaajinta xidhiidhka. 13 April, sannadkan, waxaan ku kulannay Madaxwyne Xassan Sheekh Maxamuud, Ankara, si dib loogu bilaabo wada-xaajoodkaas.

Waxaan ku gaadhnay qodobbo muhiim ah sidii aannu iskaashi uga yeelan lahayn la-dagaallanka argagaxisada, Budhcad-badeedka, Kalluumasiga sharci-darrada iyo ku-daadinta sumaha Badda, iyo dembiyada halista ah. Iskaashigaa, keliya muhiim uma ah labadayada waddan, balse guud ahaan gobolka iyo adduunka-ba muhiimad buu u leeyahay.

Laakiin, iskaashigaasi waxuu u baahan yahay heshiis iyo aqoonsiga caalamka aannu ka gaadho siyaasiyan martabadda Somaliland. Kama doonayno beesha caalamka bilkeedin, waxa Somaliland noqon doonto ama dhisatay. Keliya waxaan uga baahan-nahay caalamka aqoonsiga xaqiiqada soo taxnayd labaatanka sannadood.

Laga soo bilaabo 1960 illaa 1991, waxaan fursad siinbay midnimada. Gebi ahaanba way fashilantay. Waxaan dib u abqaalnay mustaqbalkayaga. Waan mudan-nahay gaadhitaanka mustaqbalka aan hiigsanayno.

Waa sababtaa, inkastoo aan wanaag u rajeynayo shirka London, diiditaankayaga ka qeybgalkiisu. Maxaa yeelay, waxaan rajeynaynaa inaan dhowaan kaalin muuqata ka ciyaari karno dhisitaanka xasiloonida iyo horumarka geeska Afrika annagoo laba wadan, iyo saaxiibo siman ah.” Sidaa ayaa lagu yidhi Maqaalka Wargeysku ka qoray Madaxweynaha Somaliland oo wax lagaga weydiiyey farriinta uu u gudbinayo Shirkaas iyo ka baaqashadiisa.

 Salaanmedia/Hargaysa