Faysal Cali Waraabe Oo Si Kulul Uga Jawaabay Eedayntii Xukuumadda Ee Kulankii Uu La Yeeshay Madaxweynaha Somaliya + Video.

Faysal Cali Waraabe Oo Si Kulul Uga Jawaabay Eedayntii Xukuumadda Ee Kulankii Uu La Yeeshay Madaxweynaha Somaliya + Video.

London(Salaanmedia) May 13, 2013 – Guddoomiyaha xisibiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa caawa si kulul oo hanjabaadi ku jirto uga jawaabay shir jaraa’id oo uu wasiirka warfaafinta Abiib Diiriye Nuur uu maanta si adag u naqdiyay kulankii habeenkii Sabtidii uu magaaladda Birmingham kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirkiisa Arrimaha dibadda.

Faysal oo sharaxaya kulankaa ayaa yidhi: Labada jaaliyaddood ee labada xaflado ayey ku lahaayeen magaaladda Birmingham, taas oo aanu labadayada weftiba qayb ka ahayn, kolkaa ayaa anniga qoladii reer Somaliland ee xafladayada masuulka ka ahayd iyo masuuliyiin xisbiga kulmiye ee magaaladaas ahi iga codsadeen in aan soo salaamo. Horta kulankayagu sidaa aan lagu sii talogelin buu ku yimi.

Ka hadalkan wasiirka ee arinkani waa aqoondaro iyo garasho nidaamka caalamiga ah, waxaana jawaabta Faysal oo maqal iyo muuqaal ahi u dhacday sidan ee daawasho haboon: