Gabaygii DARDAARAN Ee Xaaji Adam Axmed Xasan( Afqalooc )

Saalix

 

Markan eegga odayoobayoo waan itaal gabaye
Waa arami feedhaha waxaan aahda la hayaaye
Ifka talo ma kala qaadanoo waa isku ogayne
Aakhiro hadii aan tagoo iilka la i geeyo
Itixaada waataad sidii adhi ahaydeene
Indhahay isku aragtaan cadawga waar iskaga eega
Is aamina dannigu waa waxaad ku ibtilawdeene
Is aqbla qabiilnimada waad ku ambanaysaane
Is adeeca uurxumidu waa aayatiin li,iye
Ujeedada la qarinaayo iyo amar dhammaan doonku
Waa waxa danteena akhiray ee iska ogaada
Orod kuma gashoo taladu waa Oodo dhacameede
Ninkaan aabihii saafi jirin looma aammino,e
Ha ekaanine talo ninkii odhan karaw dhiibo
Aduun iyo Cilmaa qaaliyee urursha maalkiina
Ishtiraaga oo xoolo badan seeska ku adkeeya
Ha ordina,e xaajada sidii aydinta u raaca
Ikhyaartiina daacada tashiga wada ogaysiiya
Ixtiraama waayeelku waa odayadiiniiye
Ahlan dhaha wadaadadu Cilmay kuu akhriyayaane
Inamada koraayaa waxay ku aslaxaan fiirsha
Edebtiyo hablaha sharafka bara waa islaanimo,e
Ummuhaadka diintiyo sharciga ugu ardaa yeela
Axmaqnimo wixii keenayiyo turubka eeseeya
Fakhriga aabihii waa fadhiye aad u camal yeesha
Adigoon indho la,ayn waqtiga meel ha ku idlaynin

Afcas-baa miyiga loo faraqay laysku aayiro,e
Ergo dira dhulkoo idil martoo af iyo liisaan leh
Ammni xidha naf soomaaliyeed yay isku idlaane
Abhiyoo dadkaba waanadaa wada ogaysiiya
Ninka aan aqbalahayn sidaa, buugga ku asteeya
Aboor-kuba Allaylkuu dhisaa aqallo waaweyne
Markuu ururo daartuu abyaa la ashqaraaraaye
Ilkuu wadajirkooday hilbaha adag ku gooyaane
Haday iniba meel taagantahay adhax ma feenteene
Itifaaq la,aan laguma helo lib iyo iimaane
Abtirsiimo reer hebel ah iyo oday ku faan tuura
Indhaa fura hurdadu waa waxaad ku ibtilawdeene
Injirtiyo kutaantaa ka badan bahalka oodeede
Ninkaan gurigu aamin u ahayn eegi waa debede
Axdigaydun dhigateen ninkay laba ahaan waydo
Ee idinka eed idinku fala ugu arwaax gooya
Ninkii aradka khiimeed dishaan aasida u diida
Uf intaad tidhaahdaan ka taga arag xumaantiisa
Allaah haw naxariisto Xaaji Aadam , wuxuu ahaa nin aragti fog lehe.