Garabka Haweenaka Xisbiga Ucid oo xaflad soo dhawayna u qabtay Marwada Murashaxa Madaxwaynaha XIsbiga Ucid Marwo Farduus Axmed Warsame Daawasho Wacan Sawiro

London 14/5/2013 Waxa habeenkii xalay lagu qabtay galbeedka London xaflad soo dhawayna oo lagu soo dhawayno Marwo Farduus Axmed Warsame marwada murashaxa madaxwaynaha xisbiga ucid jamaal cali xuseen xafladan oo ay ka soo qayb galeen dhamaan tageerasha xisbiga ucid ee wadankan uk  oo ay soo qaban qabiyeen garabyada haweenka ee xisbiga ucid ,

4

xafladan oo ay ka so qayb galeen ururada ka jira wadankan uk siiba ururka SaaxilWomen oo xafladan oo qayb libaax ka qatay xafladan waxanay gudoon siiyeny shahaado sharaf Marwo Farduus. waxa kale oo goobta lagu soo bandhigay Ciyaaro hidaha iyo dhaqanka oo ay qayb libaax ka qateen garabaka haweenka ee xisbiga Ucid waxa kale oo goobta heeso wadaniya oo qiimo iyo qaayo galisay ka qadayey Faananaka Dada Yar ee Xuseen Dheere iyo fanaaninta reer London xafaladan oo loogu dabal dageey guusha xisbiga iyo taageerada buuxda ee u ku leyahay wadanka uk ayaa waxa iyada oo ku hadlaysa afka haweenak garabka uga mahad celisey Marti sharaftii ka soo qayb gashay Xoghayaha Arimaha Qoyska Marwo Kaltuun Cumar oo ugu baaqday garabayada haweenka ee uk in ay is garab tagaan oo ay mujiyaan somaliland inay muqadas tahay kana qayb qataan horumarka dalkooda ,

3

5

Saynab Xaaji Gaydh oo iyana  dhankeeda ka hadlaysa ayaa shacabka reer somalilnd ee uk siiba tageeraysha xisbiga Ucid ugu baaqday inay ka soo qayb galaan Xaflada 18May oo ah maalin ku suntan qaranimada Somaliland gabagadii Xaflada ayaa waxa hadal kooban ka soo jeediyey Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Ucid Mudane Jamaal Cali Xuseen ugana Mahad Celiyey dhamaan Xafaladiihii lagu qabtay Gobolada Uk oo dhan ,waxa hadalka soo gabagabaysay Marwo Farduus Axmed Warsame Marwada Murashaxa Madaxwaynaha o mahad naq aan la soo koobi karin u dirtay dhamaan tageerayashii Xisbiga Ucid ee sida wacan ugu soo dhawayey wadankan Uk iyada oo aan ilaabayn soo dhawayntaa iyo xafladahaas ka dhacay Birmighama , Biristol london iyo cid kasta oo kali wayn ka qadatay iyo dhamaan Xubnaha Uk garabada Haweenka , Dhalinta iyo Xoghayasha Xisbiga.

1

Naasir,

Salaanmedia/London